GUDAHA/wararka

Qaramada Midoobay oo ka digtay halista ka dhalan karta Tubaakada

Hay’adda Caafimaadka Adduunka u qaabilsan Qaramada Midoobay ee loosoo gaabiyo WHO oo warbixin kasoo saartay halista ku hoos qarsan isticmaalka Tubaakada (Sigaarka) ee guud ahaan Caalamka ayaa ku baaqday in la sameeyo olole caalami ah oo looga hortago arrintaan.

War kasoo baxay WHO ayaa lagu sheegay in dad badan ay la qabatimeen isticmaalka Tubaakada kuwaas oo halis caafimaad wajahaya halka sidaas oo kale ay jiraan Dad badan oo uu ku baxay Qiiqa Sigaarka la dhuuqay.

Qaramada Midoobay ayaa sanadkaan ololaheeda kahortagga Tubaakada cinwaan uga dhigtay: “Maalinta Caalamiga ah ee kahortagga Tubaakada, 2023 ma dooneyno Tubaako ee Cunno ayaan u baahanahay.

WHO ayaa sheegtay in dhibaato caafimaad, mid deegaan & tallaab dhagar-jab u ah waxsoosaarka cunnada la beerto in ay ku tahay Tukaabada loona baahan yahay in la sameeyo olole caalami ah si meel looga soo wada jeesto tubaakadu in ay bulshadu ku dhex faafto.

Dhanka kale, daraasad lagu sameeyay Dalka Kenya waxaa lagu ogaaday in ay kordheen Dadka isticmaalka Tubaakada kuwaas oo da’doodu u dhaxeyso 15 sano illaa 65 jir sida lagu sheegay daraasaddaan lasoo bandhigay.

Guddiga Qaran ee ololaha kahortagga Khamriga & Daroogada ayaa sheegay in dad badan ay la qabatimeen (la qabsadeen) walxaha maanka dooriya, Daraagiska & Tubaakada oo dhammaan dhibaato ku ah Caafimaadka Qofka.

Geesta kale, Mareykanka ayaa la shaaciyay in sanadkii cabista sigaarka u naf waayaan dad gaaraya 480,000 (Afar boqol iyo siddeetan kun) oo ruux oo si toos u dhuuqay halka ay ku jiraan 41,000 (Afartan iyo koow kun) oo qof oo si dadban u dhuuqay (lagu ag cabay).

Inkasta oo aan daraasad rasmi ah lagu sameyn Soomaaliya tirada Dadka caba, kuwa tooska u nuugay ee u dhintay iyo kuwa sida dadban neef ahaanta u jiiday balse waxaa jira Dad Dhuuqa Sigaarka iyada oo xitaa ku sugan goobaha Bulshadu ku badan tahay.

Mustaqbal

MM Editor

Recent Posts

Shiinaha oo sheegay inuu garab taagan yahay ilaalinta Midnimada iyo Madaxbannaanid Soomaaliya

Shiinaha ayaa mar kale muujiyay taageerada uu u hayo ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed…

12 hours ago

BFS oo joojiyay lacagihii Xildhibaannada looga jari jiray aaska Xildhibaanka dhinta

Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa joojiyay lacag dhan $100 oo Xildhibaannada looga jari…

15 hours ago

Turkiga oo 2027 Soomaaliya ka diraya Dayax gacmeed

Dowladda Turkiga ayaa qorsheyneysa in sannadka soo socda 2027 ay Soomaaliya ka dirto Dayax gacmeed…

17 hours ago

Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida oo sii daayay Markab u afduubnaa

Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida ayaa sii daayay Markab u afduubnaa sida ay ku warrameen ilo…

18 hours ago

Waa kuma Danjiraha Cusub ee Turkiga ee xilka kala wareegaya Alper Aktaş?

Alper Aktaş oo ahaa Danjirihii Turkiga ee Soomaaliya 2024 ilaa 2026 ayaa laga sagootiyay Magaalada…

18 hours ago

Golaha Ammaanka oo kordhiyay Cunaqabaynta hubka ee saaran Gobolka Daarfuur

15ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay qaraar lagu waqti dheereynayo…

19 hours ago