GUDAHA/wararka

Isku dhacyo ka dhacay Khartuum iyada oo lagu gudajiro xaaladda xabbad-joojinta ah.

Isku dhacyo u dhaxeeya Ciidamada Militariga Suudaan iyo kuwa Gurmadka Degdega ah (RSF) ayaa ka dhacay Magaalada Khartuum iyada oo ay dalkaas ka jirto xaaladda xabbad-joojinta ah oo Sacuudiga ay ku gaareen wakiillo ka kala socda labada dhinac.

Dadka deegaanka ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in ay maqleen rasaas xooggan iyo jug ka dhacday mid kamid ah goobaha ay isku hor fadhiyaan ciidamadaan ku dagaalamaya Magaalada Khartuum ee Caasimadda Jamhuuriyadda Suudaan.

Lama soo sheegin waxyeello ka dhalatay rasaastaas balse waxa ay dareen gaar ah gelisay dadka daneynaya xaqiijinta xabbad-joojinta ay wadagaleen dhinacyadaan hubeysan ee dhanba dhanka kale damacsan in uu awood ahaan u maquuniyo.

Dowladaha Sacuudiga iyo Mareykanka oo kor kala socda xabbad-joojinta weli kama hadlin waxayse dhowr jeer ka digeen in dib loosoo cusbooneysiiyo dagaalka iyada oo meel la iska dhigayo xabbad-joojintaas.

Dad badan ayaa gargaar bani aadamnimo u baahan maadaama colaadda Suudaan ay kasii dartay dhibaatada dhanka cunnada ah ee ka jirtay waddankaan dhaca Waqooyiga Qaaradda Afrika oo waxaa baahan dad badan oo aan awoodin in ay helaan raashinka ay u baahan yihiin.

Hay’adaha hoostaga Qaramada Midoobay iyo kuwa madaxabannaan ayaa ku dooday in culeys & cadaadis xooggan la saaro Ciidamada dagaalamaya si loo helo gargaarka ay u baahan yihiin Malaayiinta Ruux ee reer Suudaan.

Mustaqbal

MM Editor

Recent Posts

Shiinaha oo sheegay inuu garab taagan yahay ilaalinta Midnimada iyo Madaxbannaanid Soomaaliya

Shiinaha ayaa mar kale muujiyay taageerada uu u hayo ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed…

13 hours ago

BFS oo joojiyay lacagihii Xildhibaannada looga jari jiray aaska Xildhibaanka dhinta

Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa joojiyay lacag dhan $100 oo Xildhibaannada looga jari…

16 hours ago

Turkiga oo 2027 Soomaaliya ka diraya Dayax gacmeed

Dowladda Turkiga ayaa qorsheyneysa in sannadka soo socda 2027 ay Soomaaliya ka dirto Dayax gacmeed…

18 hours ago

Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida oo sii daayay Markab u afduubnaa

Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida ayaa sii daayay Markab u afduubnaa sida ay ku warrameen ilo…

19 hours ago

Waa kuma Danjiraha Cusub ee Turkiga ee xilka kala wareegaya Alper Aktaş?

Alper Aktaş oo ahaa Danjirihii Turkiga ee Soomaaliya 2024 ilaa 2026 ayaa laga sagootiyay Magaalada…

19 hours ago

Golaha Ammaanka oo kordhiyay Cunaqabaynta hubka ee saaran Gobolka Daarfuur

15ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay qaraar lagu waqti dheereynayo…

20 hours ago