Categories: GUDAHA/wararka

Qalbidhagax oo gaaray Nairobi

Sarkaalka ONLF C/kariin Sheekh Muuse Qalbidhagax oo Khamiistii laga sii daayay Xabsi ku yaal Itoobiya ayaa ka dhoofay Garoonka Bole ee Magaalada Adis-Ababa.

Qalbidhagax, Waxa uu gaaray Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya oo ay kasoctay qabanqaabo balaaran oo loogu jiro soo dhaweyntiisa, Dadka soo dhaweynaya ayaa isugu jira shacab taageero u haya Sarkaalka iyo Xubno kamid ah ONLF oo si caadi ah Nairobi u jooga.

Gawaari ay ku ixranyihiin Cod baahiyayaal, ayna ku dheganyihiin Sawirrada Qalbidhagax ayaa dhexmaraya Xaafada Islii, iyadoo dadka loo sheegayo in ay isugu soo baxaan soo dhaweynta C/kariin Sheekh Muuse oo caan ku ah Qalbidhagax.

Sawirrada soo dhoweynta Qalbidhagax oo lagu baahiyey Baraha Bulshada ayaa Muujinaya Qalbidhagax oo xiran suut fadhiyana  qeybta VIPda Garoonka Bole ee Dalka Itoobiya, isaga oona ku hadlaya Telefoon.

Qalbidhagax, ayaa la filayaa inuu hadal ka jeediyo Xaflad Goordhow ka bilaabaneysa Magalaada Nairobi, marka uu ka dego Garoonka meesha ugu horeysa ee uu tagayo ayaa la soo sheegayaa in ay tahay halka Xafladiisa ay ka dheceyso.

waxaa suuragal ah in Qalbidhagax, uu Muqdihso ugu sii gudbi doono Socdaalkisa, isaga oo wareysi uu Todobaadkan bixiyay ku sheegay in socdaalkiisa uu ka bilaabanayo Nairobi, kuna soo afjarayo  Muqdisho, dadkii ii dmaqaday ayaan soo salaamayaa ayuu dhowr jeer ku celceliyay Qalbidhagax.

xildhibaano katirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa ka qaygalay soo dhoweynta Qalbidhagax, kuwaas oo qaarkood kamid ahaa xubnihii sida adag uga horyimid gacangelintii dowladda xukuumadda Soomaaliya ay ugu dhiibtay Itoobiya Qalbidhagax bishii Agosto-2017

General Editor

Recent Posts

Safiirkii hore ee Turkiga oo sheegay in ay Soomaaliya keenayaan Maraakiib Kalluumeysi

Safiirkii hore ee Turkiga ee Soomaaliya ayaa shaaciyay in maraakiibta kalluumeysiga ee Turkiga la filayo…

10 hours ago

Shiinaha oo sheegay inuu garab taagan yahay ilaalinta Midnimada iyo Madaxbannaanid Soomaaliya

Shiinaha ayaa mar kale muujiyay taageerada uu u hayo ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed…

15 hours ago

BFS oo joojiyay lacagihii Xildhibaannada looga jari jiray aaska Xildhibaanka dhinta

Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa joojiyay lacag dhan $100 oo Xildhibaannada looga jari…

19 hours ago

Turkiga oo 2027 Soomaaliya ka diraya Dayax gacmeed

Dowladda Turkiga ayaa qorsheyneysa in sannadka soo socda 2027 ay Soomaaliya ka dirto Dayax gacmeed…

20 hours ago

Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida oo sii daayay Markab u afduubnaa

Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida ayaa sii daayay Markab u afduubnaa sida ay ku warrameen ilo…

21 hours ago

Waa kuma Danjiraha Cusub ee Turkiga ee xilka kala wareegaya Alper Aktaş?

Alper Aktaş oo ahaa Danjirihii Turkiga ee Soomaaliya 2024 ilaa 2026 ayaa laga sagootiyay Magaalada…

21 hours ago