GUDAHA/wararka

Odayaal, Madaxweyne Cagjar ku eedeysay in uu isir sifeyn ku hayo

Odayaal iyo waxgarad ku sugan Magaalada Shillaabo ee Gobolka Qorraxey ayaa Madaxeynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar iyo mas’uuliyiin ka mid ah maamulka ku eedeeyay in ay isir sifeyn ku hayaan beeshooda.

Odayaashan oo la soo xiriiray Idaacadda Mustaqbal ayaa sheegay in madaxa nabad gelyada ee Ismaamulka, midka SHillaabo, Maamulka Magaalada iyo Madaxweynaha Ismaamulka ay raalli ka yihiin dhibaatada lagu hayo mid ka mid ah Beelaha degan Ismaamulka.

Waxaa ay sheegeen in Madaxweyaha iyo maamulka Goholka Qorraxey ay wadaan in ay dadka kale ku beeraan degaannadooda iyagana xoog looga saarayo.

Ciidamada Liyuu Booliska ee Ismaamulka Soomaalida ayey ku eedeeyeen in ay beegsanayaan Beeshooda dhibaato iyaga u gaar ahna lagu hayo.

Mid ka mid ah Odayaasha ayaa sheegay in dhulkii iyaga laga barakiciyay la dejiyay Beesha uu ka soo jeedo Madaxweynaha islamarkaana degaan ay iyaga leeyihiin oo lagu magacaabo Gar Cillaan degmo loo aqoonsaday lana dejiyay dadka cusub ee Gobolka lagu beerayo.

Waxaa uu sheegay in Magaalooyinkoodii, Baraagihii ay biyaha ka cabayeen iyo dhul beeroodkoodiiba la geliyay cagaf lana baabi’iyay isaga oo ku eedeeyay in ay arrintaas ka wada warqabaan madaxda ugu sarreysa Ismaamulka Soomaalida.

Odaygan ayaa sheegay in warqado cabasho ah ay geeyeen Maamulka Gobolka Qorraxey, Ismaamulka Soomaalida ee fadhigiisu yahay Jigjiga iyo dowladda Federaalka ah ee Itoobiya,dhamaantoodna aysan waxba ka qaban Karin.

Web master

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

6 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

8 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

11 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

11 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

13 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

13 hours ago