GUDAHA/wararka

Norway oo Soomaaliya ka gacansiinaysa arimaha Bani’aadannimada

Wakiilka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Norway ee Soomaaliya Merete Dyrud ayaa ballanqaadday in Dowladdeeda ay gacan ka geysan doonto wax ka qabashada xaalado Bani’aadannimo iyo kahortagga musiibooyinka ka dhasha.

Merete oo la kulantay Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka SoDMA Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa waxa ay sheegtay in dowladda Norway ay kaalin firfircoon oo muuqata ka qaadan doonto dedaallada lagu gaarayo wax ka qabashada Bani’aadannimo.

Taageerrada Oslo ay siiso dhiggeeda Muqdisho ayay Wakiilkaan sheegtay in ay sii kordhinayaan si looga hortago xaaladaha musiibooyinka iyo bani aadamnimada oo ah dhibaatooyin is dulsaaran oo Dad badan saamayn taban ku reebay.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa dhankiisa u mahadceliyay Wakiilka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Norway ee Soomaaliya, waxa uu ka rajeeyay in ay fuliso ballanqaadka ay samaysay si loo gaaro hadalka caawinta dadka ah.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

5 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

8 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

10 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

11 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

12 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

12 hours ago