Booliska Dalka Kenya ayaa xabsiga dhigay Nin lagu magacaabo Moses Muigai Ngugi,kaas oo iska dhigayay xubin ka mid ah hay’adda sirdoonka Kenya.
Moses Muigai Ngugi,ayaa lagu qabtay ID Kaarro Hay’adda nabad sugidda ah,Hub iyo Rasaas badan kaddib markii Gurigiisa la tagay.
Ninkan ayaa la qabtay markii Booliska uu wicitaan ka helay Nin Ganacsade ah oo Dukaankiisa ku jira u sheegay in uu kala shaqeynkaro habka dhulalka loo iibsado.
Francis Mburu,oo ah Ninka Ganacsadaha ah ayaa wargeliyay Booliska una sheegay in Nin adeegsanaya IDkaarrada Hay’adda Nabad Sugidda uu la joogo.
Nicholas Kamwende,oo ah agaasimaha laanta dambi baarista Kenya ayaa sheegay in ay ka shakisanyihiin in Ninkan uu magaca Hay’adda Nabad Sugidda ku dhibaateeyay dad shacab ah.
Markii la qabtay Moses ayey Booliska u kaxeeyeen Gurgiisa halkaas oo ay ka heleen Rasaas iyo Hub.
Hubka ayaa isugu jira labo Qori,Baskoolado iyo 700 oo Rasaas ah,waxaana ay saraakiisha Booliska sheegeen in Ninkan la weydiinayo su’aalo dheeraad ah oo al xiriira haddii ID-kaarrada iyo magaca beenta ah uu shacab ku dhibaateeyay.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…
Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…
Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan, Nawaf Salam oo ka hadlay amni dalkiisa ayaa sheegay in aanay nabadgalyo…
Maamulka Puntland ayaa maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu noqday Maamul Goboleed,…
Taliyaha Howlgalka Maraykanka ee Afrika loona soo gaabiyo AFRICOM, Janaraal Dagvin Andersan ayaa bogaadiyay howlgallada…