GUDAHA/wararka

Nin hubeysan oo Guriceel dhimasho & dhaawac ugu geystay Itoobiyaan ka Ganacsada Biraha

Wararka Mustaqbal ay ka heleyso Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud Dowlad-Goboleedka Galmudug ayaa kusoo warramaya in Nin hubeysan oo la sheegay in uu xirnaa dharka Ciidanka in uu weeraray Goob lagu uruuriyo Biraha lasoo isticmaalay.

Ninkaan ayaa markii uu gudaha u galay goobtaan oo ah Geerish waxa uu toogtay mid kamid ah Itoobiyaanka ka Ganacsada Biraha lasoo isticmaalay ee muddooyinkii dambe loo dhoofinayay Dalkaas halka mid kale uu dhaawac halis ah u geystay.

Falkaan ayaa si gaar ah uga dhacay Waaxda Istarliin ee Xaafadda Wadajir Degmada Guriceel Gobolka Galgaduud Dowlad-Goboleedka Galmudug, waxaa baxsaday Ninkii toogashada geystay oo ilaa haatan aanay jirin xog dheeraad ah oo laga helay baxsashadiisa kaddib.

Si dhab ah looma ogaan sababta keentay in Ninkaan hubeysan ee ku labisan dharka Ciidanka uu toogasho kula dhaqaaqo Ajaanibtaan ku howlanayd iibsashada Biraha oo marka ay uruuriyaan kaddib Dalkooda u rarayay.

Weli ma jiro war kasoo baxay Laamaha Ammaanka Degmada Guriceel iyo kan Dowlad-Goboleedka Galmudug oo lagu faah-faahiyay arrintaan, waxaana goobta toogashadu ka dhacday gaaray Ciidamo katirsan Laamaha ammaanka.

La soco wixii kasoo kordha.

Mustaqbal

MM Editor

Recent Posts

Sacuudiga oo sheegay in uu soo riday Diyaarad lagu beegsan rabay Magaalada Maka

Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo faahfaahin ka bixisay howlgal lagu soo riday Diyaarad nooca duulliye la'aanta…

2 hours ago

RW Xamse oo waxbarasho bilaash ah u ballanqaaday Arday kaalmaha hore ka galay tartan caalami ah

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya,  Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Dowladda Waxbarasho bilaash ay siin doonto…

16 hours ago

Taliska AUSSOM ee Baydhabo oo sheegay in uu caqabad kala kulmo xeerarka hubinta Amniga

Taliska howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM gaar ahaan qaybta 3aad ee Maamulka Koofur Galbeed ka…

20 hours ago

Maxkamadda CQS oo la horgeeyay Rag ku eedeysay in ay dhac safmar ah ay ka gaysteen Muqdisho

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa dhagaysatay eedaha loo haysto Rag ku eedeysan in ay dhac…

22 hours ago

Dowladda Suuriya oo billowday in ay tababarto Haweenka ku biiraya Ciidamada Ammaanka

Dowladda Suuriya ayaa billowday in ay Tababarto Haweenka kamid noqonaya Ciidamada Ammaanka ee Dalkaas gaar…

23 hours ago

Xeebaha Giriigga oo laga baadigoobayo Tahriibayaal la socday Doon rogmatay

Dalka Giriigga waxaa ka socda howlgallo lagu raadinayo in ka badan 20 Tahriibe oo la…

24 hours ago