Magaalada Jariiban ee gobolka Mudug Dowlad-Goboleedka Puntland waxaa saakay dil toogahso ah lagu fuliyay Ibraahim Axmed Kooshin oo la sheegay in uu dilay Taliyihii Booliiska Degmadaas, Gaashaanle Guuleed Cabdulqaadir Cali Kadleeye.
Qoyska gacan ku dhiiglaha ayaa ehelka Taliyaha la dilay ku wareejiyay ninka dilka gaystay oo lasoo qabtay isaga oo baxsad ah, waxaana ugu dambayn la go’aansaday in la toogto laguna fuliyo xukunka xadka ah uu gaystay.
Ehelka taliyaha uu dilay Ninkaan oo goobta ku sugnaa ayaa sheegay in ay ku qanceen caddaaladda la mariyay gacan ku dhiiglaha, waxaana ay bogaadiyeen in tiirka la geeyo qof weliba oo qof kale dila si dilalku u joogsadaan ama u yaraadaan.
Gashaanle Guuleed Cabduqaadir Cali Kadleeye waxa uu kamid ahaa saraakiil sanado kahor tababar ciidan ku qaatay Muqdisho gaar ahaan xerada TurkSom kaddibna loo qaaday Dalka Turkiga, waxa uu markii dambe u wareegsaday Gobolka Mudug.
Mustaqbal
Madaxweynaha Suuriya, Ahmed al-Sharaa, ayaa shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la…
Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…
Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…
Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…
Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…
Ciyaaryahanka u dhashay Dalka Spain kuna guullaystay Koobka Adduunka 2026 ee lagu magacaabo Marc Cucurella…