War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya tacsi loogu diray Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, dowladda, iyo shacabka Jabuuti, ka dib geeridii ku timid Wasiirkii Difaaca ee dalkaas, Xasan Cumar.
Wasiir Fiqi ayaa ku sifeeyay marxuumka mas’uul qaran oo naftiisa u huray u adeegidda dalkiisa iyo horumarinta amniga gobolka, isagoo xusay inuu ahaa saaxiib dhow oo mar walba garab taagnaa dowlad dhiska Soomaaliya.
“Marxuum Xasan Cumar wuxuu ahaa hoggaamiye dhab ah iyo mas’uul qaran oo muddo dheer si hagar la’aan ah ugu adeegay dalkiisa Jabuuti. Waxaan si gaar ah u xusuusannahay doorarkii muuqday ee uu ka qaatay xoojinta hay’adaha difaaca iyo taageerada joogtada ah ee uu la garab taagnaa dadaallada nabad ku soo dabaalida dalkayaga Soomaaliya.” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya.
Wasiirka ayaa sidoo kale tacsi gaar ah u diray qoyska iyo eheladii uu ka baxay marxuumka, Ciidamada Qalabka Sida ee Jabuuti, iyo gaar ahaan guutada ciidanka Jabuuti ee qaybta ka ah hawlgalka nabad ilaalinta ee AUSSOM.
Ugu dambayn, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in dowladda Soomaaliya ay xusuusnaan doonto dhaxalka iyo waxqabadka uu marxuumku kaga tagay xiriirka walaaltinimo iyo midka ciidan ee ka dhexeeya labada jamhuuriyadood ee Soomaaliya iyo Jabuuti.
Mustaqbal
Madaxweynaha Suuriya, Ahmed al-Sharaa, ayaa shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la…
Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…
Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…
Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…
Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…
Ciyaaryahanka u dhashay Dalka Spain kuna guullaystay Koobka Adduunka 2026 ee lagu magacaabo Marc Cucurella…