Cali Mire Ducaale oo loo magacaabay Taliyaha Nabad sugidda Jubbaland iyo Maxamed Ibraahim oo isna loo magacaabay Taliye ku xigeenka NISA ee Jubbaland ayaa maanta lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha ee Kismaayo.
Nabad sugidda Jubbaland oo warsaxafadeed kasoo saartay xarigga labadaan Taliye ayaa sheegtay in Caawa ay ku hoyanayaan Xabsi ay ku leeyihiin Garoonka Diyaaradaha Kismaayo, iyagoona berri dib ugu soo celinayaan Magaalada Muqdisho sida ay hadalka u dhigeen.
“Laamaha Amniga ee Dowlad goboleedka Jubbaland oo ka masuul ah Amniga iyo Xasiloonida Jubbaland ayaa galabta garoonka ka celiyey labo sarkaal oo laga soo direy Xamar kuwaas oo lagu sheegey in loo soo magacaabey Taliyaha nabadsugidda Jubbaland iyo ku xigeenkiisa” Ayaa lagu yiri qoraalka Nabad sugidda Jubbaland.
Nabad sugidda ayaa sheegtay in ay ku guuleysteen sugidda ammaanka Deegaanada Maamulka Jubbaland, Saraakiisha lasoo magacaabayna ay Dowladda Federaalka ugu dan leedahay in lagu carqaladeedo hormarkooda sida ay hadalka u dhigeen.
“Dowladda Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u muuqata mid ka xun ama aan la dhacsaneyn hanaanka Dowladnimo iyo hormarka ka jira deegaanada Jubbaland , taas oo ku timid isku tashi iyo isgarabsiga shacabka iyo madaxda Dowlad goboleedka Jubbaland oo uu hormuud u yahay madaxweyne mudane Axmed Maxamed Islaam”.
13-kii bishii tagtay ee Luuliyo Ciidamada Ammaanka Maamulka Jubbaland ayaa garoonka Diyaaradaha Kismaayo ka celiyay Jeneral Cali Maxamed Maxamuud (Bogmadow) oo Dowladda Federalka u magacawday Taliyaha qaybta 43-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka.
Dowladda Federaalka wali kama hadlin Xabsiga la dhigay Taliyaha iyo ku xigeenka Nabad sugidda Jubbaland oo ay Dowladdu Magacawday, Madaxda Jubbaland waxa ay horay u sheegeen in aan laga talo gelin Magacaabistii Taliyaha qaybta 43aad ee CXDS.
Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…
Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…
Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…
Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…
Ciyaaryahanka u dhashay Dalka Spain kuna guullaystay Koobka Adduunka 2026 ee lagu magacaabo Marc Cucurella…
War kasoo baxay Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa Galmudug loogu baaqay in ay ka waantowdo in saanad…