Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay diiradda saareyso horumarinta dhaqaalaha dalka, iyadoo xoogga la saarayo soo jiidashada maalgashiga caalamiga ah.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay in ay soo jiidato maalgashi caalami ah oo gacan ka geysta kobcinta dhaqaalaha, abuurista fursado shaqo iyo horumarinta adeegyada dalka.
“Adduunyada in ay Soomaaliya timaado, si ay u maalgashato waa muhiim,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa caddeeyay in Dowladda Federaalka ay ku howlan tahay abuurista jawi ku habboon maalgashiga iyo dhiirrigelinta ganacsiga, si loo xoojiyo kobaca dhaqaalaha dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya ay ka faa’iideysato fursadaha maalgashi ee ka jira dalka, iyadoo la horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha iyo fursadaha ganacsi.
Mustaqbal
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay Safiirka Masar…
Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koofur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa warbixin ka dhageystay Taliska Qeybta…
Dalka Tanzania waxaa laga helay Maydadka toban Libaax oo lagu hayay Aagga Hay’adda Qaramada Midoobay…
Suxufiga lagu magacaabo Roshan Micah Reddy iyo qof deegaanka ah oo caawinayay oo lagu magacabo…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saacadaha soo socda ku wajahan Magaalada New…
20ka September waxaa sannad weliba la maamuusaa Maalinta loo gaarka yeelay Nadaafadda Adduunka iyada oo…