GUDAHA/wararka

Muwaadiniinta Ingiriiska oo looga digay in ay u Safraan qeybo ka mid ah Kenya.

Dowladda Britain waxay shalay soo saartay Digniin dhanka Socdaalka oo ay uga digtay Muwaadiniintooda in ay u socdaalaan qeybo ka mid ah dalka Kenya iyo Xuduudka Soomaaliya.

Warl-qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Arrimaha Dibedda iyo Barwaaqa-sooranka ee dalka Britain (FCO) ayaa lagula taliyey inaysan socdaal ku tegin Deegaanadda loo cayimay ee ka tirsan dalka Kenya.

Muwaadiniinta u dhalatay dalka UK waxaa looga digay inaysan u socdaalin Goballada Garissa, Laamu, Tana River iyo inay ka fogaadaan 60-KM deegaanada u dhow Xuduuka Kenya la wadaagto Somalia.

Waxaa kaloo Muwaadiniinta British looga digay inay u socdaalaan Jesiirada Lamu, iyadoo dhulka ku safraya, maadaama ay kordheen Weeraradda lala beegsanayo dadka Shisheeyaha.

Dhinaca kale, Xafiiska Arrimaha Dibedda iyo Barwaaqa-sooranka ee dalka Britain (FCO) waxay Digniintaasi ku xuseen in laga yaabo inay Dagaalamayaasha Alshabaab weeraro ka geystaan gudaha dalka Kenya, gaar ahaan in weeraro lala beegsado dadka Reer Galbeedka, oo ay Muwaadiniinta UK ku jiraan.

Qoraalka waxaa lagu sheegay in la filan karo in dadka shisheeyaha lagu weeraro goobaha ay Bulshadda badan isugu yimaadaan, sida Hoteelada, Baararka, Xarumaha Ganacsiga, goobaha la dukaamaysto,  Garoomada Ciyaaraha, Basaska, Tareenadda, Dhismayaasha Caweyska, deegaanadda Xeebleyda iyo Garoomada Diyaaradaha ee Kenya.

Digniinta ka soo baxday Dowladda Britain waxa uu ku soo beegmayaa iyadoo ay Xarakadda Alshabaab dhawaan uga digtay Dalxiisayaasha shisheeyaha ee booqanaya Kenya inay beegsanaan doonaan, oo aysan si nabad ah ku tamashlayn doonin Socdaalka Safaariga ee Kenya.

Dagaalamayaasha Alshabaab waxay bishan Janaayo 5-tii hawl qorsheysan ku weerareen Saldhig Ciiddanka Maraykanka iyo kuwa Kenya ee Manda Base, halkaasi oo lagu dilay 3 Askar Maraykan ah, laguna dhaawacay 2 kale.

News Editor

Recent Posts

MW Suuriya oo shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la gaari doonaan Israa’iil.

Madaxweynaha Suuriya, Ahmed al-Sharaa, ayaa shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la…

2 hours ago

Baarlamaanka Waqooyi Bari oo ansixiyay qaraar ka dhan ah Maamulka Waqooyi Galbeed

Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…

6 hours ago

Masar oo markale garab istaag u muujisay midnimada & Xasiloonida Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…

9 hours ago

Xukuumadda Netanyahu oo waqti kordhin u samaysay xaaladda ka dhalatay cabsida ay ka qabaan Iiraan

Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…

10 hours ago

Shirarka looga hadlayo Mustaqbalka AUSSOM oo ka kala socda Muqdisho, Addis Ababa & Kampala

Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…

11 hours ago

Ciyaaryahan Marc Cucurella oo sharaxay sababta uusan u jarayn Tintiisa

Ciyaaryahanka u dhashay Dalka Spain kuna guullaystay Koobka Adduunka 2026 ee lagu magacaabo Marc Cucurella…

12 hours ago