GUDAHA/wararka

Baarlamaanka Labaad ee Galmudug oo doortay Gudoomiye ku meel gaar ah.

Mudaneyaasha baarlamaanka labaad ee Dowlad Goboleedka Galmudug oo fadhigii ugu horeeyay maanta oo Axad ah ku yeeshaymagaaladda Dhuusamareeb ee Caasimada Maamulkaasi ayaa doortay guddoon ku meel gaar ah.

Xildhibaan Xasan Keynaan Xalane oo lagu sheegay xubinta ugu da’da weyn golaha ayaa loo xushay in afhayeenka ku meel gaarka ah uunoqdo baarlamaanka Labaad ee Galmudug.

Keynaan ayaa xilka sii hayn doona inta laga dooranayo gudoomiyaha rasmiga ah ee Golaha Wakiiladda maamulkaas.

Xildhibaan Xalane ayaa kamid ahaa baarlamaankii ku meel gaarka ee dowladdii madaxweyne 7 aad ee dalka Shariif Sheekh Axmed.

Lama shaacin waqti rasmi ah oo loo muddeeyay in ay ku qabsoomeyso doorashadda gudoonka baarlamaanka Galmudug.

Baarlamaanka Galmudug ayaa haatan leh kulan xasaasi ah oo ajandihiisu yahay dhaarinta xildhibaanadii Shalay aan la dhaarin iyo magacaabista gudigga cusub ee doorashada Madaxda Galmudug.

Gudiggan ayaa wararku sheegayaan in uu ka kooban yahay 15 Xubnood oo ka kala yimid Ahlusunna iyo xildhibaanada kale ee odayaashu soo xuleen , 6 Xubnood waxaa qaatey Ahlusunna oo gudigga Ku yeelan doona halka 9 Xubnood ay noqon doonaan xildhibaanada kale ee Ka yimid dhanka beelaha Galmudug.

Amniga ayaa aad loo adkeeyay iyaddoo la sheegay in la qabtay shaqsiyaad laga shakiyey basle damiin lagu sii daayey.

Talaabadan ayaa kusoo aadeysa iyaddoo madaxweyne Axmed Ducaale Geelle uu horey u shaaciyey in uusan aqoonsaneyn baarlamaanka, isla markaana uu Gaalkacyo kawaddo abaabulka doorasho kale.

News Editor

Recent Posts

MW Suuriya oo shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la gaari doonaan Israa’iil.

Madaxweynaha Suuriya, Ahmed al-Sharaa, ayaa shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la…

57 mins ago

Baarlamaanka Waqooyi Bari oo ansixiyay qaraar ka dhan ah Maamulka Waqooyi Galbeed

Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…

5 hours ago

Masar oo markale garab istaag u muujisay midnimada & Xasiloonida Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…

8 hours ago

Xukuumadda Netanyahu oo waqti kordhin u samaysay xaaladda ka dhalatay cabsida ay ka qabaan Iiraan

Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…

9 hours ago

Shirarka looga hadlayo Mustaqbalka AUSSOM oo ka kala socda Muqdisho, Addis Ababa & Kampala

Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…

10 hours ago

Ciyaaryahan Marc Cucurella oo sharaxay sababta uusan u jarayn Tintiisa

Ciyaaryahanka u dhashay Dalka Spain kuna guullaystay Koobka Adduunka 2026 ee lagu magacaabo Marc Cucurella…

11 hours ago