Monica Juma: “Kenya waxaa ay halis ugu jirtaa in siyaasadda arrimaha dibadda looga adkaado”

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Kenya Monica Juma ayaa sheegtay in dalkeeda uu halis ugu jiro in looga guulesto siyaasadaha arrimaha dibadda iyo diblomaasiyadda ee Gobolka.

Monica oo Arbaacadii hortagtay Guddiga difaaca iyo arrimaha dibadda ee Baarlamaanka Kenya ayaa sheegtay in miisaaniyadda dowladda u qorsheysay Wasaaradda arrimaha dibadda aysan ahayn mid ku filan.

Inkasta oo kulankii shalay ay ku hortagtay Guddiga ujeedadiisu ahayd xiisadda diblmaasiyadeed ee Soomaliya haddana Guddiga iyo Wasiirkuba ma faah faahin halka la iskala qaaday iyo halka ay wax ku dambeyn doonaan.

Wasiirad Juma waxaa ay sheegtay in wasaaraddeeda ay ku adkaan doonto in ay gasho tartan dhinaca diblomaasiyadda iyo muranada sohdimaha ah ee dalalka deriska ah maaddaama aysan heysan dhaqaale ku filan.

Waxaa ay tusaale u soo qaadatay muranka dhinaca Badda ah ee kala dhaxeeya Soomaaliya, si mid ah midka dhinaca Badda ah ee Tanzania iyo muranka Harada Victoria ee kala dhaxeeya Dalka Uganda.

Waxaa ay Moica sheegtay in dowladdeeda aysan awood u lahayn in ay arrimaasi oo dhan maareyso,haddii aan la kordhin miisaaniyadda wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya.

Sanadka soo socda ayey codsatay in miisaaniyadda loo kordhiyo si ay u gasho howlo badan oo hadda qabyo ka ah.

 

Mustaqbal media

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

11 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

13 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

16 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

16 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

18 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

18 hours ago