WARARKA-GUDAHA/DIBADDA

Midowga Yurub oo taageeray go’aankii Midowga Africa ee la xiriiray xaalada Soomaaliya!

Midowga Yurub ayaa taageeray diidmada Midowga Afrika ee muddo kororsiga madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uuna sheegay in uu diyaar u yahay la shaqeynta ergay kasta oo loo xilsaaro ka shaqeynta soo nooleynta wadaxaajoodyada iyo gaarida wada-ogol ku saabsan doorashooyinka kuna saleysan heshiiska 17-kii September 2020.

Joseph borrell, wakiilka Sare ee Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha dibadda, Siyaasadda iyo Amniga ayaa qoraal uu soo saaray ku taageeray Baahida loo qabo kulan ay dalalka ciidanka ugu tabaracay AMISOM ku qiimeeyaan xaalada amni ee Soomaaliya.

“Midowga Yurub wuxuu taageersanyahay diidmada mudo kordhin kasta wuxuuna rajeynayaa in si dhaqsi leh loogu laabto wadaxaajoodka, oo uu fududeeyo ergayga Midowga Afrika, si loo gaaro is afgarad dhanka doorashooyinka ah, iyadoo lagu saleynayo heshiiskii 17 Sebtember 2020. Midowga Yurub wuxuu kaloo soo dhaweynayaa baaqa ah in Shirka Wadamada ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya (TCC) oo lagu qiimeynayo xaalada amaan ee Soomaaliya”. Ayaa lagu yiri bayaanka.

Midowga Yurub ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu si dhaw u lashaqeeyo ergayga midowga africa, dhanka kale, waxa uuna dhinacyada siyaasada ka codsaday degenaansho iyo in laga fogaado talaabo kasta oo sii xumeyn karta xiisada ka dhalatay go’aanka Baarlamaanka ee 12 April.

MM Staff

Recent Posts

Shiinaha oo sheegay inuu garab taagan yahay ilaalinta Midnimada iyo Madaxbannaanid Soomaaliya

Shiinaha ayaa mar kale muujiyay taageerada uu u hayo ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed…

13 hours ago

BFS oo joojiyay lacagihii Xildhibaannada looga jari jiray aaska Xildhibaanka dhinta

Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa joojiyay lacag dhan $100 oo Xildhibaannada looga jari…

16 hours ago

Turkiga oo 2027 Soomaaliya ka diraya Dayax gacmeed

Dowladda Turkiga ayaa qorsheyneysa in sannadka soo socda 2027 ay Soomaaliya ka dirto Dayax gacmeed…

18 hours ago

Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida oo sii daayay Markab u afduubnaa

Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida ayaa sii daayay Markab u afduubnaa sida ay ku warrameen ilo…

19 hours ago

Waa kuma Danjiraha Cusub ee Turkiga ee xilka kala wareegaya Alper Aktaş?

Alper Aktaş oo ahaa Danjirihii Turkiga ee Soomaaliya 2024 ilaa 2026 ayaa laga sagootiyay Magaalada…

19 hours ago

Golaha Ammaanka oo kordhiyay Cunaqabaynta hubka ee saaran Gobolka Daarfuur

15ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay qaraar lagu waqti dheereynayo…

20 hours ago