Sawir hore
Warsaxaafadeed ka kooban 6-qodob oo kasoo baxay Midowga Musharixiinta waxaa looga hadlay Xaaladda Amni, Doorashada, Siyaasadda, Dedaalka Beesha Caalamka, Metalaadda Gobolka Banaadir & qodobo kale.
Midowga Musharixiinta ayaa tacsiyeen & Cambaareynta weerarkii lagu qaaday Hotel Afrik kadib ka hadlay Xaaladda Soomaaliya, ugu horreyn waxa uu midowgu soo dhaweeyay Shirka Dhuusamareeb (4) ee maanta lagu ballansan yahay in uu furmo si looga xaajoodo ka gudubka caqabadaha hortaagan heshiiska Doorashooyinka 17-ka September 2020 dhacay.
Musharixiinta ayaa ku teliyay in la fursad wanaagsan la siiyo gogosha Dhuusamareeb si waqti ku filan loo helo ka doodista iyo xal ka gaarista caqabadaha hortaagan in dalka ay ka dhacdo Doorashooyinka Baarlamaanka & Madaxtooyada, maadaama Madaxweyne Farmaajo keliya muddo xileedkiisa ka hartay 7-cishe.
Midowga Musharixiin Madaxweynaha Soomaaliya 2021 ayaa dalbaday in la ballaariyo Gogosha Dhuusamareeb laguna biiriyo dhammaan dhinacyada saamileyda Siyaasadeed si talo & go’aan wadajir ah looga soosaaro Shirkaas.
Qodobka 5-aad ayay Musharixiintu ku muujiyeen in Shirkaan uu yahay fursaddii ugu dambeysay ee dalka lagu badbaadin karo, maadaama uu idlaanayo Muddo xileedka 4-ta sano ah ee Dowladda Federaalka.
Midowga Musharixiinta ayaa marar kala duwan soo jeediyay in dalka loo qabto shirar lagu badbaadiyo kahor inta uusan dhammaan muddo xileedka Madaxweynaha Soomaaliya oo ku siman 8-da Febaraayo 2021, waxaana keliya ka harsan 7-Cishe, weli dalka kama aysan bilaaban doorashada labada gole ee Baarlamaanka Federaalka.
Mustaqbal.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta la kulmay Ardayda ugu sarreysa imtixaanka…
Maxkamadda sare ee Dalka ayaa baabi’isay natiijada Doorashadii ka dhacday Maamulka Galmudug, iyada oo amartay…
Hoggaamiyaha Maamulka Koofur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur Sheekh Aadan Madoobe oo soo gabagabeeyay kulamo uu…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Xukuumaddiisa ay diiday in…
Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa sheegay in Dowladdiisa ay taagaarayso beeralayda gaar ahaan kuwa soosaara…
Wararka naga soo gaaraya Xeebaha Gobolka Nugaal ayaa sheegaya in halkaasi ay ka dhacday duqeyn…