GUDAHA/wararka

Maxkamadda Sare ee CQS oo liiska Ciidamada ka saartay Sarkaal Dil & Ciqaab isugu daray qof shacab ah

Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka sida oo aqbashay racfaanka uu soo qaatay Sharma’arke Cabdulqaadir Cali oo katirsan ciidanka Booliiska kuna eedeysan in uu dilay Marxuum Cabdifitaax isla markaana uu ciqaab u gaystay kahor dilka.

Sharma’arke Cabdulqaadir Cali waa Dable Booliis Federaalka u diiwaangashan sidoo kale ah Labo xiddigle Hir-Shabeelle ahna Taliye ku xigeenka Dambi-baarista Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle, kiiskaan waxa uu salka ku hayay neef ari ah oo dilay sida la sheegay.

Maxkamadda Derajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa horay waxa ay Sharma’arke ku xukuntay Dil toogasho ah oo ah qisaasta marxuumka uu nafta dhaafiyay, balse qareennadiisa oo aan ku qancin xukunka ayaa racfaan u qaatay Maxkamadda sare ee CQS.

Dhagaysi doodda Xafiiska Xeer ilaalinta, Difaaca Qareennada iyo marqaatiyaal laga dhagaystay sida uu falkaas u dhacay kaddib waxa ay Maxkamadda sare Ciidamada Qalabka sida ka gaartay go’aan ka duwan kii Maxkamadda Derajada 1aad.

Janaraal Liibaan Cali Yaroow oo dhagaysiga kaddib go’aanka Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka sida ku dhawaaqay ayaa ugu horrayn baabi’iyay dilka toogashada ah iyada oo Maxkamaddu xukun kale ku ridday kaas oo ah.

In eedeysane Sharma’arke Cabdulqaadir Cali laga saaray Liiska Ciidanka, bixinta Mag adag & Xabsi ciidan oo 5 shano ah oo xukunka Dilkii dhacay 14kii Agoosto sanadkaan 2025 iyo ciqaabtii loo gaystay Marxuumka sida maxkamaddu sheegtay.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Netanyahu oo qiray in ay hoos u dhacday Saameynta ISL ay ku laheyd Mareykanka

Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa markii ugu horeysay qiray in ay hoos u dhacday…

7 hours ago

Maamulka Cirro oo Fannaanka BK ka hor istaagay inuu u safra Garoowe

Maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya ayaa maanta Garoonka Cigaal ee Hargeysa ka hor istaagay in…

7 hours ago

Maxaa diirada lagu saarey Shirka Golaha Wasiirrada ee XFS?

Golaha Wasiirrada Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa manta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo looga hadlay arrimaha…

8 hours ago

Maxay ka wada hadleen MW Xasan Sheekh iyo Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika?

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Warbixin ka dhageystay Saraakiisha Ciidamada Mareykanka ee…

10 hours ago

Taliyaha Ciidanka Uganda oo ku baaqay in Ciidanka AUSSOM sii joogaan Soomaaliya

Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa ku baaqay in Ciidamada Howlgalka…

10 hours ago

Abaar iyo biyo yaraanta ka jirta qeybo kamid ah dalka UK

Wakaaladda Deegaanka ee dalka Ingiriiska ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday abaar ka jirta qeybo…

12 hours ago