Maxkamadda sare ee Ciidanka oo xukunna kala duwan ridday

Maxkamadda sare ee Ciidanka xoogga Dalka ayaa xukun dil ah ku ridday C/Raxmaan Cumar Cismaan (Yariisoow) oo bishii 8aad qof ku dilay Beledweyne.

Yariisow ayaa waxaa uuu racfaan ka qaatay xukun Maxkamadda darajada 1aad ku ridday oo dil ahaa,waxaana Maxkamadda sare ku raacday xukunkii hore.

C/Raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa lagu helay dilka Marxuum Xasan Abshir Warsame oo uu bishii 8aad ku dilay Magaalada Beledweyne.

Sidoo kale Maxkamadda ayaa labo Nin oo kale oo lagu kala magacaabayo Xasan Geedi Cabdulle iyo Maslax Maxamuud Cali ku xukuntay bixinta min 200 neef oo geel ah kaddib markii ay dad rayid ah oo saarnaa Gaari Homy ah ku dileen duleedka Afgooye iyo bixinta kharashkii ku baxay dadkii ku dhaawacmay rasaasta ay fureen.

 

 

Mustaqbal media

Recent Posts

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

1 hour ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

2 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

3 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

3 hours ago

Guddoomiyaha KMG oo magacowday Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ahna Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha,…

17 hours ago

Trump oo sheegay inuu joojiyay weerar uu ku qaadi lahaa Iiraan

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhowaaqay inuu dib u dhigay weerar ay ciidamada dalkaasi…

18 hours ago