GUDAHA/wararka

Maxay tahay taariikhda uu xalay sameeyay Garsoore Cumar Cabdiqaadir Cartan?

Garsooraha caalamiga ah ee Soomaaliyeed, Cumar Cabdiqaadir Cartan ayaa xalay dhigay rikoor cusub oo dhinaca ciyaaraha ah, isagoo noqday qofkii ugu horreeyay ee aan u dhalan Yurub, kaasi oo dhexdhexaadiya ciyaar kama dambaysta aheyd ee UEFA Super Cup.

Ciyaartan oo dhex martay kooxaha PSG oo haysata horyaalnimada Champions League  iyo Aston Villa oo ku soo guuleysatay UEFA Europa League, ayuu Cumar u maamulay si ay ku jirto Xirfad iyo Degannaan.

Natiijada Ciyaarta Kulanka ayaa kusoo dhammaaday 2-1 oo ay guushu ku raacday kooxda PSG. Labada kooxood ay soo bandhigeen ciyaar ku dhisan weerar iyo difaac isugu jirta, balse garsoore Cumar Cartan ayaa si weyn loogu ammaanay sida uu u maareeyay cadaadiska ciyaarta, go’aannadiisii dhex-dhexaadnimadii uu muujiyay.

Ciyaarta ayaa waxaa ka qeyb galay taageerayaal badan, iyadoo ay sidoo kale goobjoog ahaayeen Madax uu kamid yahay Madaxweynaha dalka Rwanda, Paul Kagame.

Sidoo kale, waxaa goobta ku sugnaa madaxda sare ee xiriirka kubadda cagta Yurub UEFA iyo marti sharaf kale oo caalami ah.

Garsoore Cartan ayaa helay taageero caalami ah, ka dib markii bishii June ee sannadkan uu Mareykanka, diiday inuu gudaha u galo wadankaasi, si uu u dhexdhexaadiyo kulamada Koobka Adduunka.

Mustaqbal

 

MM Staff

Recent Posts

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga Soomaaliya oo iscasilay

Wasiir Ku xigeenkii Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Maxamuud Cabdullaahi Abuukaate ayaa iska casilay xilkii…

16 hours ago

Xasan Sheekh oo safar dhanka dhulka ah ku maraya dhowr magaalo oo ka tirsan Galmudug

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horreysay dib u doorashadiisa safar dhulka ah…

16 hours ago

Turkiga iyo howlgalka AUSSOM oo ka wada hadlay dagaalka AS

Dowladda Turkiga iyo Howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ayaa ka wada hadlay amniga Soomaaliya gaar…

17 hours ago

Wafdi sare oo ka socda dalka Guyana oo soo gaarey Muqdisho, iyagoo la kulmay MW Xasan Sheekh

Danjire Carolyn Rodrigues Birkett, oo ah Ergeyga Joogtada ah ee dalka Guyana u fadhiya Qaramada…

22 hours ago

Madaxweynaha Turkiga oo la kulmay dhigiisa Falastiin

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa magaalada Ankara kula kulmay dhigiisa dalka Falastiin, Maxamuud Cabaas.…

22 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la filayo inuu gaaro magaalada Dhuusamareeb

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu gaaro magaalada Dhuusamareeb ee…

23 hours ago