Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu gaaro magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, isagoo u sii gudbi doona deegaanno kale oo ka tirsan Maamulkaasi.
Sida qorshaha yahay, Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu tababar u soo xiro Cutubyo ka tirsan Militeriga Soomaaliya, kuwaasi oo ku sugan deegaan Xananbuure.
Wafdi horudhac u ah Madaxweynaha ayaa gaarey magaalada Dhuusamareeb, iyadoo ay ku jiraan saraakiil ciidan sida Taliyaha Ciidanka Kumaandooska Danab.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu khudbad u jeediyo ciidamadan oo loo diyaariyay in ay xoojiyaan dagaalka AS iyo Xasilinta deegaannada ay dowladda maamusho.
Bilihii la soo dhaafay Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa ku dadaaleysay in ay dhisto awoodda Ciidamada Qalabka Sida si ay ula wareegaan Mas’uuliyadda Amni ee dalka.
Ciidamada Midowga Afrika ee AUSSOM ayaa billaabey in ay wareejiyaan saldhigyadii ciidan ee ay kaga sugnaayeen dalka, maadama howlgalka uu ku jiro xilli kala guur ah iyo dhaqaale la’aan.
Mustaqbal
Wasiir Ku xigeenkii Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Maxamuud Cabdullaahi Abuukaate ayaa iska casilay xilkii…
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horreysay dib u doorashadiisa safar dhulka ah…
Dowladda Turkiga iyo Howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ayaa ka wada hadlay amniga Soomaaliya gaar…
Danjire Carolyn Rodrigues Birkett, oo ah Ergeyga Joogtada ah ee dalka Guyana u fadhiya Qaramada…
Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa magaalada Ankara kula kulmay dhigiisa dalka Falastiin, Maxamuud Cabaas.…
Garsooraha caalamiga ah ee Soomaaliyeed, Cumar Cabdiqaadir Cartan ayaa xalay dhigay rikoor cusub oo dhinaca…