GUDAHA/wararka

Wafdi sare oo ka socda dalka Guyana oo soo gaarey Muqdisho, iyagoo la kulmay MW Xasan Sheekh

Danjire Carolyn Rodrigues Birkett, oo ah Ergeyga Joogtada ah ee dalka Guyana u fadhiya Qaramada Midoobay, ayaa booqasho rasmi ah ku timid magaalada Muqdisho, iyadoo la kulantay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Ujeeddada kulankan ayaa ahayd sidii ay Madaxweynaha ugu soo bandhigi lahayd musharaxnimadeeda xilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, kaas oo la filayo in doorashadiisu dhacdo dhamaadka sanadka 2026.

Danjire Birkett ayaa sheegtay in ay Madaxweyne Xasan Sheekh la wadaagtay qorshaheeda ka dib doorashada Xoghayaha guud, iyadoo tilmaamtay in ay si dhaw ula shaqeyn doonto Soomaaliya.

Xilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa ah xilka ugu sarreeya ee diblomaasiyadda adduunka, waxaana hadda haya António Guterres oo xilka ka degi doona marka uu dhammaado muddo xileedkiisa labaad ee shanta sano ah.

Waxaa jira olole caalami ah oo lagu doonayo in markii ugu horreysay taariikhda 79 sano oo ay jirtay Qaramada Midoobay in xilkaan loo doorto Haweeney, 9 kii xoghaye ee soo maray ee ay ahaayeen rag.

Ilaa hadda la ogyahay xilkaan waxaa ku tartamaya 10 Musharax oo intooda badan ka kala yimid dalalka Laatiin Ameerika oo tilmaamaya in markaan sanadkooda ay tahay.

Soomaaliya ayaa kamid ah 15 dal ee go’aanka ka gaari kara doorashadan, iyadoo uu jiro olole lagu doonayo sidii codkeeda loo heli lahaa.

Mustaqbal

 

MM Staff

Recent Posts

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga Soomaaliya oo iscasilay

Wasiir Ku xigeenkii Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Maxamuud Cabdullaahi Abuukaate ayaa iska casilay xilkii…

16 hours ago

Xasan Sheekh oo safar dhanka dhulka ah ku maraya dhowr magaalo oo ka tirsan Galmudug

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horreysay dib u doorashadiisa safar dhulka ah…

16 hours ago

Turkiga iyo howlgalka AUSSOM oo ka wada hadlay dagaalka AS

Dowladda Turkiga iyo Howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ayaa ka wada hadlay amniga Soomaaliya gaar…

17 hours ago

Madaxweynaha Turkiga oo la kulmay dhigiisa Falastiin

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa magaalada Ankara kula kulmay dhigiisa dalka Falastiin, Maxamuud Cabaas.…

22 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la filayo inuu gaaro magaalada Dhuusamareeb

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu gaaro magaalada Dhuusamareeb ee…

23 hours ago

Maxay tahay taariikhda uu xalay sameeyay Garsoore Cumar Cabdiqaadir Cartan?

Garsooraha caalamiga ah ee Soomaaliyeed, Cumar Cabdiqaadir Cartan ayaa xalay dhigay rikoor cusub oo dhinaca…

24 hours ago