Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in caawa halkaasi afar xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Xaafadda Nuurxawaad ee magaaladaasi.
Taliyaha Booliska degmada Beledweyne, Korneyl Cabdullaahi Maxamuud, oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay in ragaan tiradooda aheyd afar ruux oo hubeysan, iyagoo rasaas ku furay askari halkaas ku sugnaa.
Taliyaha ayaa sheegay in askariga la weeraray uu muujiyay iska caabin, isagoo ku guuleystay inuu goobta lagu dilo mid ka mid ah raggii weerarka soo qaaday.
Sidoo kale, dadka deegaanka oo gurmad degdeg ah ka sameeyay xaafadda ayaa ku guuleystay inay gacanta ku dhigaan xubin kale oo ka tirsanaa kooxda weerarka fulisay.
Korneyl Cabdullaahi Maxamuud ayaa sidoo kale tilmaamay in ciidamada ammaanku ay hadda ka wadaan xaafadda iyo nawaaxigeeda hawlgal lagu baadi-goobayo laba xubnood oo kale oo la rumeysan yahay inay ka tirsanaayeen kooxda weerarka soo qaadday oo goobta ka baxsaday.
Wixii warar ah ee ka soo kordha halkaan kala soco
Mustaqbal
Shiinaha ayaa mar kale muujiyay taageerada uu u hayo ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed…
Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa joojiyay lacag dhan $100 oo Xildhibaannada looga jari…
Dowladda Turkiga ayaa qorsheyneysa in sannadka soo socda 2027 ay Soomaaliya ka dirto Dayax gacmeed…
Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida ayaa sii daayay Markab u afduubnaa sida ay ku warrameen ilo…
Alper Aktaş oo ahaa Danjirihii Turkiga ee Soomaaliya 2024 ilaa 2026 ayaa laga sagootiyay Magaalada…
15ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay qaraar lagu waqti dheereynayo…