GUDAHA/wararka

Maxay ka wada hadleen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Masar?

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Ali Dhaay, ayaa khadka taleefanka wadahadal  kula yeeshay dhiggiisa dalka Masar, Dr. Badr Abdelatty.

Wadahadalka labada Wasiir ayaa diiradda lagu saaray sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya labada dal, iyadoo si gaar ah looga wada hadlay iskaashiga dhinacyada amniga, siyaasadda, iyo mashaariicda horumarineed ee labada qaran danta u ah.

Labada masuul ayaa si qoto dheer u falanqeeyay xaaladaha ugu dambeeyay ee gobolka Geeska Afrika, iyagoo isku raacay muhiimadda ay leedahay in si dhow looga wada shaqeeyo xasilloonida iyo nabadgelyada gobolka, si looga guuleysto caqabadaha jira.

Wasiir Abdisalam Ali Dhaay ayaa dowladda Masar uga mahadceliyey taageerada hagar-la’aanta ah iyo garab istaagga joogtada ah ee ay la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, isagoo xaqiijiyay inay ka go’an tahay Soomaaliya sii xoojinta iskaashiga istiraatiijiyadeed ee kala dhexeeya Qaahira.

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr. Badr Abdelatty, ayaa mar kale ku celiyey mowqifka adag ee dalkiisu ka joogo taageerada madaxbannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiir Abdelatty ayaa si kulul u naqdiyay, isla markaana caddeeyay in dowladda Masar ay ka soo horjeeddo isku day kasta oo ay dowladda Israa’iil ku doonayso inay ku aqoonsato gobollada Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya inay yihiin dal madax-bannaan. Wuxuu tilmaamay in tallaabo kasta oo noocaas ah ay tahay mid si cad uga hor imaanaysa xeerarka caalamiga ah, xad-gudubna ku ah madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Ugu dambayn, labada Wasiir ayaa isku afgartay inay sii wadaan isku duwidda dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu dhowrayo danaha wadajirka ah, laguna sugayo amniga iyo horumarka Labada Dal.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Shiinaha oo sheegay inuu garab taagan yahay ilaalinta Midnimada iyo Madaxbannaanid Soomaaliya

Shiinaha ayaa mar kale muujiyay taageerada uu u hayo ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed…

13 hours ago

BFS oo joojiyay lacagihii Xildhibaannada looga jari jiray aaska Xildhibaanka dhinta

Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa joojiyay lacag dhan $100 oo Xildhibaannada looga jari…

16 hours ago

Turkiga oo 2027 Soomaaliya ka diraya Dayax gacmeed

Dowladda Turkiga ayaa qorsheyneysa in sannadka soo socda 2027 ay Soomaaliya ka dirto Dayax gacmeed…

18 hours ago

Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida oo sii daayay Markab u afduubnaa

Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida ayaa sii daayay Markab u afduubnaa sida ay ku warrameen ilo…

19 hours ago

Waa kuma Danjiraha Cusub ee Turkiga ee xilka kala wareegaya Alper Aktaş?

Alper Aktaş oo ahaa Danjirihii Turkiga ee Soomaaliya 2024 ilaa 2026 ayaa laga sagootiyay Magaalada…

19 hours ago

Golaha Ammaanka oo kordhiyay Cunaqabaynta hubka ee saaran Gobolka Daarfuur

15ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay qaraar lagu waqti dheereynayo…

20 hours ago