Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa magaalada Adis Ababa kulan kula yeeshay Ra’iisulwasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed.
Qoraal lagu daabacay Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in kulan diiradda lagu saarey iskaashiga dhinacyada Amniga, Dhaqaalaha iyo Horumarka.
Labada dhinac ayaa isku afgartay in ay si dhow uga wada shaqeyn doonaan xasilloonida iyo arrimaha istiraatiijiga ah ee gobolka Geeska Afrika.
“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ugu hambalyeeyay guusha uu xisbigiisu ka soo hooyay doorashooyinkii ka dhacay dalka Itoobiya, isaga oo u rajeeyay sii ambaqaadidda dadaallada horumarineed iyo xasilloonida dalkaasi” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Villa Somalia
Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa maalmihii la soo dhaafay safarro ku kala bixiyay dalalka Dariska sida Kenya, Jabuuti iyo Itoobiya.
Mustaqbal
Ciidamo katirsan Kumaandooska Danab ayaa Gobolka Shabeelaha Hoose ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ka sameeyay howlgallo…
Qaar kamid ah Shacabka Magaalada Muqdisho oo la hadlay Mustaqbal Media ayaa sheegay in Ciidamada…
Madaxweynaha Suuriya, Axmed Al-Sharca oo bixiyay waraysi uu uga hadlay iskaashiga dhinaca Amniga ah ay…
Dowladda Canada ayaa war cusub ka soo saartay geerida Cabdiraxmaan Cabdi oo ahaa muwaadin Soomaali-Canadian…
Madaxweynaha Suuriya, Ahmed al-Sharaa, ayaa shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la…
Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…