Wafdi saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Mareykanka ayaa maanta booqday Magaalada Hargeysa, halkaasi oo ay kulan kula yeesheen Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).
Kulanka ayaa looga hadlay arrimo la xiriira Amniga gobolka Geeska Afrika iyo iskaashiga u dhaxeeya Mareykanka & Somaliland.
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro ayaa warbixin siiyay saraakiisha Mareykanka, isagoo kala hadlay sidii loo sii xoojin lahaa Iskaashiga.
Saraakiisha Sare ee Ciidamada Mareykanka Bariga Afrika waxa ay Somaliland ku boggaadiyeen amniga, xasiloonida iyo kaalinta ay ka qaadaneyso nabad galyada Geeska Afrika.
Sidoo kale, Saraakiisha ayaa u ballanqaaday in ay Somaliland ka taageeri doonaan dhinaca Amniga iyo tababarada si ay awood ugu yeelato horumarinta.
Mustaqbal
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…