GUDAHA/wararka

Guddoonka Golaha Shacabka oo dhageystay warbixin la xiriirta dib u eegista Dastuurka

Guddiga la socodka iyo Dib u Eegista Dastuurka ee Baarlamaanka labadiisa aqal iyo Guddiga Madaxa-banaan ee dib u Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa maanta kulan ugu uga furmay Magaaladda Muqdisho.

Kulanka waxaa ka qayb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Sidoo kale, kulanka waxaa ka qeyb galay Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Cumar Abshirow, Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Aqalka Sare, guddoonka labada guddi, habdhowrka iyo sidoo kale xoghayaasha guud ee labada aqal.

Kulanka oo socon doona mudo laba maalmood ah, waxa uu qeyb ka yahay dardargelinta dib-u-eegista iyo dhammaystirka dastuurka, si Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya loogu gudbiyo cutubyada harsan islamarkaana uu uga guto waajibaadkiisa dastuuriga.

Kal-fadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu furmo 29 bishaan aan ku jirno iyadoo kulankaanna uu qayb ka yahay diyaargarowga howlaha Baarlamaanka.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

5 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

7 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

10 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

10 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

11 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

11 hours ago