GUDAHA/wararka

Maxaa sababay xil ka qaadista Wasiirkii Batroolka & Macdanta Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar?

Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo shalay laga qaaday xilka Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixiyay sababta looga qaaday xilkaas maadaama lagu tiriyo Dadka ku dhow Madaxweynaha JFS.

Waxa uu sheegay in ay saaxiibo dhow yihiin Madaxweynaha balse ay ku kala fogaadeen siyaasadda la xiriirta tabashada reer Hiiraan ay ka qaabaan Dowladda Federaalka oo qaabka loo wajahayo isku fahmi waayeen sida uu hadalka u dhigay.

“Waxa laga yaabaa in ay dadku iswaydiinayaan sababta xiligan ku soo aadisay xil ka qaadistayda, iyada oo ay dad badan tuhmayeen in uu jiray xiriir qota dheer oo igala dhexeeyay Madaxweynaha.” Ayuu yiri Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

Waxa uu intaas kusii daray “Waa dhab in uu jiro xiriirkaasi, xil ka qaadistayduna waxa ay ku timid kala aragti duwanaansho la xiriirta sida loo wajahayo xalinta tabashooyinka reer Hiiraan ay ka qabaan maamulka Hirshabeele, tabashooyinkaas oo soo jiray ilaa bilawgii dhismahii HirShabeele, muddo xileedkii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh”.

Cabdirisaaq Cumar ayaa tilmaamay in reer Hiiraan ay u baahan yihiin in gunta hoose loo dego ka garaabista tabashada ay ka qabaan Dowlad-Goboleedka ay ka tirsan yihiin ee Hir-Shabeelle, haddii aan la helin xalkana arrintu sii kala fogaan karto sida uu yiri.

“Madaxweynaha, aniga iyo siyaasiyiinta kale waxaan ka midaysnayn in tabashooyinka ay qabaan reer Hiiraan ay yihiin tabashooyin dhab ah una baahan xal ay qayb ka yihiin maamulka HirShabeele iyo dowladda dhexe. Hase ahaatee waxaa jiray kala aragti duwanaasho ah xalka ugu haboon oo loo xallin karo tabashooyinkaas” Cabdirisaaq Cumar.

Aragtidiisa ayuu ku sifeeyay in uu aaminsan yahay dib u heshiisiin laga dhex billaabo reer Hiiraan si uu maamul Goboleedkaas uu u noqdo mid ka dhisan dhinac weliba loona baahan yahay in si caddaalad ah loo eego arrimaha keenay tabashada.

“Aniga waxaan qabay in xalka laga bilaabo reconciliation iyo in beelaha labada deegaan ee ku midaysan maamulka HirShabeele ee leh oday dhaqameed, Culumo iyo siyaasiyiin laga qaybgeliyo kana heshiiyaan sida ay noqonayso HirShabeelada cusub, lagana heshiiyo arrimaha gundhigga u ah tabashooyinka oo ay ka mid yihiin Caasimadda iyo Baarlamaanka HirShabeele” ayuu hadalkiisa kusii daray Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

Wasiirka lagu baddelay ayuu u hambalyeeyay Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo shalay laga qaaday Xilka Wasiirka Wasaaradda Batroolka & Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Mustaqbal

MM Editor

Recent Posts

Soomaaliya iyo Pakistan oo wada saxiixday heshiis la xiriira dhinaca Amniga iyo Difaaca

Dowladaha Soomaaliya iyo Pakistan ayaa wada saxiixday heshiis Is afgarad ah oo la xiriira Iskaashiga…

25 mins ago

DFS ayaa shaacisay in ay fududeynayso wada hadallo ay yeeshaan Maamulada Waqooyi Galbeed iyo Waqooyi Bari

Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ay dhiirigalineyso wada hadallo ay yeeshaan Maamulada Waqooyi Bari…

37 mins ago

Dadka Qasa oo maanta Salaada Janaasada ku tukuday 112 ruux oo 3 sano ka dib la helay Meydadkooda

Magaalada Qasa waxay saaka marti galisay aaska iyo janaasada in ka badan 100 ruux oo…

2 hours ago

DFS oo dhammaadka sannadkan soo bandhigeysa Natiijada rasmiga ah ee qodida Shidaalka Ceelka Curad 1

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa xaqiijiyay in…

3 hours ago

MW Xasan Sheekh “Soomaaliya waxa ay u furan tahay in la Maalgashado”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…

8 hours ago

Turkiga oo Soomaaliya keenaya Maraakiib Kalluumaysi

Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…

8 hours ago