GUDAHA/wararka

Marwada Bashaar Asad oo furiin dalbatay kaddib markii ay la qabsan weysay Nolosha Moscow

Asma Fawas Akhras oo ah Marwada Madaxweynihii dhowaan laga eryay Dalka Suuriya waa Bashaar Al-Asad oo haatan ku nool Magaalada Moscow ee Caasimadda Ruushka ayaa la sheegay in ay dalbatay furiin maadaama ay la qabsan weysay nolosha Magaaladaas.

Haweeneydaan oo heysata dhalashada Ingiriiska iyo Suuriya ayaa doorbideysa Nolosha Magaalada London oo ay kasoo guurtay iyada oo 25 jir ah waa sanadkii 2000 xiligaas oo uu guursaday Bashaar Al-Asad.

Warbaahinta Turkiga & Kuwa Carabta oo baahiyay xogtaan ayaa sheegay in Asma ay Bashaar ka codsatay in uu furo si ay u degto Magaalada London maadaama isaga oo qaba aanay u suuragaleyn in ay saldhigato Magaaladaas.

Maxkamad ku taalla Ruushka ayay u gudbisatay warqadda ay ku dalbaneyso in la dalaaqo ama la furo balse xog intaas dhaafsiisan lama bixin inkasta oo aanay jirin war faah-faahin ah oo kasoo baxay qoysaskaan naf la cararka ah ee Moscow ku sugan.

Eedaha loo jeedinayo qoyska reer Bashaar Al-Asad ayaa maalmihii lasoo dhaafay bannaanka usoo baxay, waxaa intaas dheer in inta badan Warbaahinta xogtooda wax ka sheegeysa aanay jirin cilaaqaad kala dhaxeeya Dalka magangalyada siiyay ee Ruushka.

Mustaqbal

MM Editor

Recent Posts

Dadka Qasa oo maanta Salaada Janaasada ku tukuday 112 ruux oo 3 sano ka dib la helay Meydadkooda

Magaalada Qasa waxay saaka marti galisay aaska iyo janaasada in ka badan 100 ruux oo…

46 mins ago

DFS oo dhammaadka sannadkan soo bandhigeysa Natiijada rasmiga ah ee qodida Shidaalka Ceelka Curad 1

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa xaqiijiyay in…

1 hour ago

MW Xasan Sheekh “Soomaaliya waxa ay u furan tahay in la Maalgashado”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…

6 hours ago

Turkiga oo Soomaaliya keenaya Maraakiib Kalluumaysi

Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…

7 hours ago

MW Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furaya Shirweynaha Badaha Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…

8 hours ago

Kooxo hubaysan oo ku dagaalamay mid kamid ah Xarumaha Shidaalka ee Liibiya

Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…

9 hours ago