Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa la kulmay Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire James Swan.
Kulanka ayaa looga hadlay arrimo la xiriira amniga iyo iskaashiga ka dhaxeeya hey’adaha Qaramada Midoobay iyo Wasaaradda Amniga, gaar ahaan horumarka laga sameeyey amniga caasimadda, tababarrada ciidanka daraawiishta.
Wasiirka Amniga Gudaha Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, ayaa danjiraha warbixin ka siiyay amniga guud ee dalka gaar ahaan sidii ay uga hortageen falalka amniga darro ee xilliyada qaar dhici jiray.
Dhankiisa, Danjire James Swan ayaa sheegay in sii wadi doonaan taageerada iyo iskaashiga ay la leeyihiin hey’adaha amniga dalka, gaar ahaan sidii loo xaqiijin lahaa amniga caasimadda iyo guud ahaan dalka.
Kulanka ayaa ku soo aadaya xilli xubnaha Mucaaradka dowladda ay maalmihii la soo dhaafay ay dhaqdhaqaaqyo ka wadeen magaalada Muqdisho, iyagoo doonayay in ay dhigaan Bannaanbax.
Mustaqbal
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…
Ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ahna Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha,…
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhowaaqay inuu dib u dhigay weerar ay ciidamada dalkaasi…