GUDAHA/wararka

Mas’uuliyiinta isku ah Wasiir iyo Xildhibaan oo la faray in labada xil mid baneeyaan

14 sano ka dib, Soomaaliya ayaa ka gudbeysa in mas’uul isku hayo labo xil sida Wasiir iyo Xildhibaan, sida ku xusan Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Qoddobkii 97-aad ee Dastuurkii 2012 ayaa xusayay in Xildhibaanka kamid noqon karo Xukumadda, iyadoo qoddobkaasi hadda meesha laga saarey.

Sida ku xusan warqad ogeysiis ah oo ka soo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Guddiga Madaxbannaan ee Dib u eegista iyo Hirgalinta Dastuurka, Avv. Burhaan Aadan Cumar ayaa Xubnaha Golaha Wasiirrada loo soo bandhigay in ay kala doortaan labada Xil ee Wasiirka iyo Xildhibaanka.

“Muddadii lixda 6 bilood ee la rabay inuu Dastuurka Dhaqanka galo waxaa ay ka billaabaneysay 14ka Abriil 2026, iyadoo ku eg 14ka Oktoobar 2026” ayaa lagu yiri Bayaanka Guddoomiyaha Guddiga.

Qoraalka oo sii socda ayaa lagu yiri  “Wasiirka xildhibaan ah wuxuu luminayaa xubinnimada Golaha Wasiirrada. Sidoo kale, xildhibaanku wuxuu luminayaa xildhibaannimada haddii uu aqbalo xil kale oo dawladeed”

Tillaabadan ayaa meesha ka saareysa in ay isku milmaan labada Hay’adood ee Baarlamaanka iyo Xukumadda oo loogu talagalay in ay isla xisaabtamaan.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Taliyihii Saldhigga Booliiska Faafi oo ku dhintay qarax Miino

Taliyihii Booliiska Kenya ee Saldhigga Faafi iyo mid kamid ah ilaaladiisa ayaa ku dhintay qarax…

41 mins ago

Ciidanka DFS & AS oo ku dagaalamay Gobolka Hiiraan 

Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo AS ayaa maanta ka dhacay Gobolka Hiiraan…

2 hours ago

Shehbaz Sharif “Ilaalinta madaxbannaanida & Amniga Sacuudiga dhankeenna waa mid naga go’an”

Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif oo wax laga weydiiyay duullaanka culus ee Sacuudiga ku socda…

4 hours ago

Sarkaal katirsan Ciidanka ICE oo New York qof ku toogtay 

Sarkaal katirsan Ciidanka socdaalka ee ku jira howlgallada ka dhanka ah dadka sida sharci darrada…

5 hours ago

Cabdirashiid Janan oo ciidankii uu watay ku wareejiayay Jubbaland una dhoofay Nairobi

Cabdirashiid Xasan Cabdinuur oo ku magac dheer Janan ayaa maanta si buuxda u wareejiyay Ciidankii…

5 hours ago

Sagal Cabdiweli oo ku guullaystay kursiga deegaanka Holborn and St Pancras ee London 

Sagal Cabdiweli oo ah Gabadh Asal ahaan Soomaali kana tirsan Xisbiga Shaqaalaha Ingiriiska (Labour Party)…

5 hours ago