Sagal Cabdiweli oo ah Gabadh Asal ahaan Soomaali kana tirsan Xisbiga Shaqaalaha Ingiriiska (Labour Party) ayaa ku guullaystay Kursiga Deegaanka Holborn and St Pancras kaddib markii ay heshay Codad gaaraya 12,292 cod iyada oo ka guullaysatay Musharrixii la tartamay.
Waxa ay dhalatay June 1984 haatan waa 42 jir, waxa ay loolan culus u gashay doorashadii ku celiska ahayd, waxa ay ka adkaatay musharrixii ka socday Xisbiga Cagaaran (Green Party) kaas oo lagu magacaabo Zack Polanski.
Sidoo kale waxa ay Sagal Cabdiweli kursiga kala wareegtay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Ingiriiska, Keir Starmer oo horay dadka deegaankaas ku metalayay Kursigaan ay ku guullaystay gabadhaan asal ahaanta ah Soomaalida balse dhalashada labaad dalkaas ka haysata.
Sagal Cabdiweli waxa ay guushaan ku gashay diiwaanka iyada oo noqotay Haweeneydii ugu horraystay ee Soomaali ah, sidoo kalena ah Muslim oo ku guullaystay kursigaan, Aqalka Baarlamaanka ayay geli doontaa iyada oo xijaaban.
Muddooyinkii dambe waxaa sii kordhayay Soomaalida qaxootinimada ku galay Dalal kala duwan oo Caalamka kuwaas oo xilal ay u tartameen ku guullaystay, waxa ay taasi baddeshay waxyaabihii laga aaminsanaa Bulshada Soomaaliyeed oo ah in aysan hoggaan noqon Karin.
Mustaqbal
Taliyihii Booliiska Kenya ee Saldhigga Faafi iyo mid kamid ah ilaaladiisa ayaa ku dhintay qarax…
Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo AS ayaa maanta ka dhacay Gobolka Hiiraan…
Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif oo wax laga weydiiyay duullaanka culus ee Sacuudiga ku socda…
Sarkaal katirsan Ciidanka socdaalka ee ku jira howlgallada ka dhanka ah dadka sida sharci darrada…
Cabdirashiid Xasan Cabdinuur oo ku magac dheer Janan ayaa maanta si buuxda u wareejiyay Ciidankii…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay la wareegida mas’uuliyada Amniga dalka,…