GUDAHA/wararka

Dhaqaalaha Soomaaliya oo kordhay sannadkaan 2.3% halka sannadka soo socda la filayo in uu gaaro 2.7%

Dhaqaalaha Soomaaliya ayaa kordhay sannadkaan 2026 isaga oo gaaray 2.3% sida lagu sheegay warbixin ay soosaartay Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF oo sidaasi ku ogaatay xog-baaris ay sameeyeen saraakiil katirsan Sanduuqaas.

IMF ayaa sheegtay in iyada oo ay jiraan caqabado ka dhashay colaadda Bariga Dhexe, Abaaraha raagay ee Dalka ka jira iyo duruufaha kale ee jira in dhaqaalaha Soomaaliya uu sameeyay isbaddel muuqda iyada oo sannadka soo socda uu intaas kasii kordhi kara.

Xog-baarista IMF waxa ay qaadatay intii u dhaxaysay 21kii September ilaa 1dii October 2026, khubarro iyo madax katirsan Hay’addaan ayna kamid tahay Ran Bi oo ah ku xigeenka Bariga Dhexe iyo Bartamaha Aasiya oo Nairobi kula kulantay saraakiil Soomaali ah.

Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya usoo jeedisay in ay xoojiso tallaabooyinka lagu xoojinayo kordhinta dakhliga gudaha ay ka uruuriso isla markaana ay hoos u dhigto khashaadka laga maarmi karo, lana xoojinayo nabadgalyada.

IMF ayaa ku doodday in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xooggeeda isugu gaysay horumarinta hannaanka Maaliyadda, Canshuuraha gudaha ah iyo Dakhliga aan canshuurta ahayn ee sare u qaadi kara Dhaqaalaha Dalka.

Saraakiil katirsan Hay’adda IMF ayaa si joogta ah ula kulma Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya wixii ka dambeeyay markii Daynta laga cafiyay Soomaaliya, waxa ay si joogta ah u siinayeen talooyin iyaga oo qiimaynayay horumarka dhaqaalaha Dalka.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Mid kamid ah rakaab la socday Kenya Airways oo ku dhex dhintay Diyaaraddaas 

Mid kamid ah Rakaab la socday Diyaaradda Kenya Airways ayaa ku dhex dhintay diyaaraddaas, dhacdadaan…

1 hour ago

Bakeeri biyo lagu shubay oo lagu hubiyay heerka sinnaanta waddada cusub ee Garoonka Diyaaradaha ee Dimishiq 

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Suuriya, Dr Yacrub Sulaymaan Badri ayaa tijaabinta waddada cusub ee Garoonka Diyaaradaha…

2 hours ago

Ciidanka Danab oo howlgallo ka dhan ah AS kawada xadka u dhaxeeya labada Shabeelle 

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab ayaa howlgallo ka dhan ah AS…

5 hours ago

Dowladda Suudaan oo diiday in ay wadahadal la furto Kooxda RSF

Dowladda Caalamka aqoonsan yahay ee Suudaan ayaa diiday in ay wadahadal la furto Ciidamada Taageerada…

6 hours ago

Madaxii sirdoonka Jarmalka oo loo xiray eedeyn la xiriirta in uu sirta dalkiisa la wadaagay Shisheeye 

Madaxii hore ee Sirdoonka Jarmalka, August Hanning ayaa loo xiray eedeyn ku saabsan in sirta…

6 hours ago

NISA oo faahfaahin ka bixisay duqeymo ka dhacay degmada Jilib

War-saxaafadeed ka soo baxay Hay'adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay…

19 hours ago