Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Suuriya, Dr Yacrub Sulaymaan Badri ayaa tijaabinta waddada cusub ee Garoonka Diyaaradaha ee Dimishiq u adeegsaday Bakeeri biyo lagu shubay oo la saaray Gaari si uu u ogaado heerka sinnaanta waddadaas sida uu ku sheegay muuqaal uu soo duubay intii uu ku jiray tijaabadaas.
Markii Shirkadda qandaraaska qaadatay ay sheegtay in ay soo gabagabaysay dhammaan dhismihii waddadaas kuna wargelisay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Suuriya in uu xarrig jaro ayuu ku dhaqaaqay tijaabadaas oo hadal hayn xooggan ka dhex dhalisay Bulshada Dalkaas iyo Dadkii kale ee Muuqaalkaas arkay.
Dadka qaar ayaa ku dooday in arrintaani aanay ahayn halbeeg injineernimo dhab ah oo lagu ogaan karo ama lagu xaqiijin karo kala sarraynta jidkaas isla markaana la heli karo qalabka casriga ah ee lagu ogaan karo haddana waxa ay bogaadiyeen tallaabadaan oo suuragal ka dhigaysa in waddooyin tayo wanaagsan loo dhiso.
Suuriya ayaa hadda ku jirta xaalad kasoo kabasho burburkii kasoo gaaray dagaalladii sokeeye iyo kan ay ku lugta lahaayeen Dalala kala duwan oo kuwa reer Galbeedka ah, waxaa hadda socda dib usoo celinta diyaaradihii dalkaas oo 6 kamid ah lasoo bandhigay, dhismaha Garoomada Diyaaradaha iyo goobaha kale ee Danta guud ah.
Mustaqbal
Dhaqaalaha Soomaaliya ayaa kordhay sannadkaan 2026 isaga oo gaaray 2.3% sida lagu sheegay warbixin ay…
Mid kamid ah Rakaab la socday Diyaaradda Kenya Airways ayaa ku dhex dhintay diyaaraddaas, dhacdadaan…
Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab ayaa howlgallo ka dhan ah AS…
Dowladda Caalamka aqoonsan yahay ee Suudaan ayaa diiday in ay wadahadal la furto Ciidamada Taageerada…
Madaxii hore ee Sirdoonka Jarmalka, August Hanning ayaa loo xiray eedeyn ku saabsan in sirta…
War-saxaafadeed ka soo baxay Hay'adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay…