Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab ayaa howlgallo ka dhan ah AS kawada deegaannada u dhaxeeya Gobollada Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe ee Maamullada Koofur Galbeed iyo HirShabeelle.
Saraakiisha hoggaaminaysa Kumaandooska Danab ayaa sheegay in ay tageen deegaanno iyo tuulooyin katirsan xadka u dhaxeeya Labada Shabeelle iyaga oo burburiyay saldhigyo AS ay halkaas ku lahayeen sida ay hadalka u dhigeen.
Ciidanka Danab ayaa muddooyinkii dambe xoogga saaray howlgallada ay ka wadaan Gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana ay si gaar ah uga howlgalleen deegaannada ku teedsan jiinka Wabiga halkaas oo ay AS ku sugan yihiin.
Ururka 164-aad ee Guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab ayaa saldhigyo ka dhigtay deegaanno katirsan xuduudda labada Shabeelaha Hoose uu la wadaago Shabeelaha Dhexe sida ay ku warrameen saraakiisha ciidankaas.
Mustaqbal
Dowladda Caalamka aqoonsan yahay ee Suudaan ayaa diiday in ay wadahadal la furto Ciidamada Taageerada…
Madaxii hore ee Sirdoonka Jarmalka, August Hanning ayaa loo xiray eedeyn ku saabsan in sirta…
War-saxaafadeed ka soo baxay Hay'adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay…
Dowladda Kenya ayaa xaqiijisay in kiiskii ugu horreeyay ee Cudurka Ebola laga helay dalkaas, iyada…
Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Ferhat Alkan iyo saraakiil la socotay ayaa kormeeray xarunta laga diri…
Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo muddooyinkii ku sugnaa Magaalada Hargaysa ayaa markii uu dib ugu…