Dowladda Mareykanka ayaa ka hadashay duqeyn dhinaca cirka ah oo ay la beegsatay gaari ay saarnaayeen dagaalyahano katirsan Al-Shabaab, xili ay dib uga guranayeen deegaanka baar Sanguuni oo ay saaka weerareen.
Qoraal ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Africa (AFRICOM) ayaa lagu sheegay iney duqeynta dhinaca cirka ah ay ku dileen 52 Shabaab ah, kadib markii ay gantaal la heleen gaari kamid ah kuwa ay dagaalamayaashooda ku qaataan.
Duqeyntan ayuu Mareykanka sheegay inuu uga gol lahaa taageero loogu muujinayay Ciidamada Somalida ee isu diyaarinaya iney amniga kala wareegaan Ciidanka Amisom marka ay dalka isaga baxaan.
Si kastaba, AlShabaab ayaa weerar ku qaadey Saldhiga ciidamada xoogga ay ku leeyihiin degaanka Baar Sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose, aroornimadii Sabtida maanta ah.
Weerarka oo ka dhashay dagaal fool ka fool ah oo dhexmaray ciidamada ku sugan xerada ciidan iyo xoogaga Shabaab ayaa geystay khasaaro baaxad leh oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Degaanka Bar Sanguuni oo qiyaastii 50KM dhinaca Waqooyi kaga beegan Kismaayo, xarun goboleedka Jubada Hoose, ayaa sanadkii tagey lagu dilay Askari American ah, laguna dhaawacay 4 kale kadib markii saldhigooda AlShabaab weerartay.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…
Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…
Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…
Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…