GUDAHA/wararka

Mareykanka oo sheegay in duqeymo ka fuliyeen Buuraha gobolka Bari

Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in ay fuliyeen duqeyn cirka ah, taasoo lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan Daacish, kadib codsi rasmi ah oo kaga yimid Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Duqeyntan ayaa ka dhacday deegaanno ku yaalla koofur-bari magaalada Boosaaso, gaar ahaan dhulka buuraleyda ah, halkaasi oo ay howlgallo ka dhan ah Daacish ka socdaan.

War saxaafadeed ka soo baxay Taliska AFRICOM ayaa lagu sheegay in Duqeyntan ay ka tahay iskaashiga Mareykanka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, ujeedkeeduna ahaa in lagu wiiqo awoodda Daacish ee ku aaddan weerarro halis ku ah danaha Mareykanka, ciidamada saaxiibka la ah iyo muwaadiniinta caalamka.

“Duqeyntan waxay ahayd is-difaac oo lagu taageerayo ciidamada Soomaaliyeed, si looga hortago khataraha ay ISIS-Somalia ku hayso gobolka iyo danaha Mareykanka,” ayuu yiri afhayeen u hadlay AFRICOM.

“Waxaan sii wadi doonnaa iskaashi buuxa oo aan la leenahay Dowladda Federaalka si loo baabi’iyo kooxahan xagjirka ah ee khatarta ku ah shacabka Soomaaliyeed,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

AFRICOM waxay sidoo kale xaqiijisay in aysan shaacin doonin faahfaahinta unugyada iyo qalabka la adeegsaday, si loo ilaaliyo amniga hawlgallada socda.

Deegaanka Togga Miiraale oo ku yaalla koofur-bari Boosaaso ayaa waxaa saacadihii la soo dhaafay ka socday dagaal iyo duqeymo lala beegsanayo xubnaha Daacish oo isku dayay in ay weeraan saldhigyada ciidamada Daraawiishta Puntland.

Mustaqbal

MM News

Recent Posts

MW Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furaya Shirweynaha Badaha Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…

35 mins ago

Kooxo hubaysan oo ku dagaalamay mid kamid ah Xarumaha Shidaalka ee Liibiya

Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…

49 mins ago

RW Xamsa oo bogaadiyay isbaddelka uu sameeyay Maamulka Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…

1 hour ago

Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…

15 hours ago

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

17 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

20 hours ago