GUDAHA/wararka

Madaxweyne Xasan Shiikh oo kulan degdeg ah la yeeshay Saraakiisha Ciidanka

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir deg-deg ah madaxtooyada kula yeeshay saraakiisha ugu sarreysa ciidamada.

Madaxweynaha ayaa saraakiisha Ciidanka ka dhageystay warbixinno la xiriira dagaalka AS, gaar ahaan howlgallada ka socda gobollada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan.

Ilo ku dhow kulan ayaa sheegaya in Madaxweynaha Saraakiisha Ciidamada faray dardar galinta dagaalka AS iyo sidii la isugu xiri lahaa howlgallada ka socda gobollada dalka.

Kulanka wuxuu ku soo aadaya xilli dhawaan dagaal ay AS kula wareegeen degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Dhinaca kale, Ciidamada dowladda ayaa dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wada gudaha gobolka Shabeellada Dhexe.

Mustaqbal

MM News

Recent Posts

MW Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furaya Shirweynaha Badaha Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…

2 hours ago

Kooxo hubaysan oo ku dagaalamay mid kamid ah Xarumaha Shidaalka ee Liibiya

Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…

2 hours ago

RW Xamsa oo bogaadiyay isbaddelka uu sameeyay Maamulka Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…

2 hours ago

Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…

16 hours ago

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

18 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

21 hours ago