Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in ay dib u fureyso safaaraddii Mareykanka uu ku lahaa Soomaaliya.
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in Mareykanka uu dib u billaabayo howlgalkiisa diblomaasiyadeed ee joogtada ah.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in arrintay ay ka dhalatay kaddib markii xaaladda Soomaaliya ay soo hagaagtay islamarkaana xiriirka labada dal loo baahanyahay in la xoojiyo.
Heather Nauert, oo ah Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in ay Dowladda Mareykanka ku kalsoontahay dib u soo celinta xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka.
Mareykanka ayaa safaaraddiisa Muqdisho xiray Sanadkii 1991kii,markaas oo ay dhacday dowladdii dhexe dalkuna galay kala dambeyn la’aan.
Sidoo kale Mareykanka ayaa shaqaalahiisa diblomaasiyadeed iyo kuwa kale ee samafalka iyo muwaaddiniintiisa kala baxay Muqdisho sanadkii 1993dii markaas oo uu dhacay dagaalkii loogu magac daray Black Howk Down, oo ay ku dhinteen kumanaan Soomaali ah iyo 18 Askari oo Mareykan ah.
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…