Mareykanka oo kordhinaya tirada Ciidanka Danab ee uu tababaro, Sawirro.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay kordhineyso Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ee Danab loo yaqaan,kuwaas oo tababar ka hela Taliska Mareykanka ee Afrika.

Jeneraal Thomas Waldhauser, Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya , Donald Yamamoto, Ra’isalwasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre iyo Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe

Taliyaha Ciidanka Mareykanka ee Afrika, Jeneraal Thomas Waldhauser, Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya , Donald Yamamoto, Ra’isalwasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre iyo Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe ayaa tobaadkii la soo dhaafay ku kulmay Muqdisho.

Warbixin uu so saaray Taliska Mareykanka ee Afrika ee loo yaqaan Africom ayaa lagu sheegay in tirada Ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya ee loo yaqaanno DANAB la gaarsiinayo ilaa 3,000 oo Askari.

Jeneraal Thomas Waldhauser, ayaa sheegay in Ciidamadaas loogu bogay howlgallada gaarka ah ee ay ka fuliyaan Soomaaliya iyo sida deg degga ah ee ay dib ugu qabsadaan dhismayaasha ay dagaalka ku galaan Al-shabaab eek u yaalla Muqdisho.

Afhayeenka Ciidanka AFRICOM, Karl Wiest, ayaa sheegay in caqabada ugu weyn ee Mareykanka ka heysta tababarka ciidankaas ay tahay qabyaaladda.

Ciidanka Danab oo tababar qaadanaya.

Waxaa uu yiri “Ciidanka ka soo jeeda Jubaland ee aad u tababartay dagaalka Al-shabaab, howlgal kama fulin karaan Puntland, qabyaalad darteed,waxaa loo arkayaa kuwo banaanka ka yimid”

Laakiin Afhayeenku waxaa uu haddana rajo ka muujiyay in Ciidanka DANAB aysan ahayn kuwo ay ka muuqato qabyaaladda isaga oo intaas ku daray in xitaa dadweynaha Soomaalida ay aaminsanyihiin in Ciidankan yihiin kuwo ka maran qabyaaladda.

Saldhigga Ciidanka DANAB ayaa ku yaalla Garoonka Ciidankii Cirka Soomaaliya ee Balli-doogle ee Gobolka Shabeellaha hoose, kaas oo 70km u jira Muqdisho.

Ciidamada Mareykanka ayaa sidoo kale wada dib u dhis iyo ballaarin lagu sameynayo  Saldhigga Balli-doogle si ay uga howlgalaan diyaaradaha howlgallada gaarka ah ka fuliya Soomaaliya ee uu leeyahay Mareykanka.

Ciidanka DANAB ee uu tababaray Mareykanka.

AFRICOM waxaa ay sheegtay in Ciidamada Mareykanka ah ee hadda jooga Soomaaliya ay tiradoodu gaareyso 500 Askari,kuwaas oo ah tababarayaal, la taliyayaal iyo kuwo mararka qaar ka qeyb qaata howlgallada gaarka ah ee ka dhanka ah Al-shabaab.

Warbixinta  uu soo saaray Taliska AFRICOM,waxaa lagu sheegay in howlggalada Ciidamada iskaashana aya ka fuliyeen Gobollada Jubbooyinka ay fududeysay in ay dib ugu laabtaan degaannadoodii qoysas gaaraya 1,000, kuwaas oo markii hore ka barakacay Al-shabaab, sida uu sheegay Jeneraal Thomas Waldhauser.

Web master

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

12 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

14 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

17 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

17 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

19 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

19 hours ago