WARARKA-GUDAHA/DIBADDA

Mareykanka oo daad gureynaya qaar kamid ah askartiisa ku sugan saldhiga ugu weyn ee uu ku leeyahay Bariga Dhexe

Wararka ka imanaya dalka Qatar ayaa sheegaya in qaar ka mid ah Askarta milateriga Mareykanka ee ku sugan saldhigga weyn ee Al-cudeyd lagu amray inay halkaas isaga baxaan marka la gaaro caawa fiidkii.

Wakaaladda wararka ee Reuters, oo soo xiganaysa saddex diblomaasi oo magacooda qariyey, ayaa sheegtay in tallaabadan deg deg ah ay ka soo baxday taliska sare ee ciidanka Mareykanka.

Al-cudeyd waa saldhigga ugu weyn ee Mareykanku ku leeyahay gobolka Bariga Dhexe, waxaana ku sugan in ka badan 10,000 oo askar Mareykan ah.

Qorshaha bixitaanka ciidanka ku sugan saldhiga ayaa ku soo aadaya xilli suurgal tahay in Mareykanka weeraro dalka Iiraan, si uu u taageero dadka dhigaya bannaanbaxyada.

Mid ka mid ah diblomaasiyiinta ayaa u sheegay Reuters in qorshaha Mareykanka yahay in qeyb qeyb loo raro askarta, balse uusan aheyn mid daad gureyn hal mar ah.

Ilaa hadda lama ogaan sababta rasmiga ah ee Mareykanka u qaadayo tillaabadan, mana jiro wax war ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar oo la xiriira qorshaha bixitaanka ciidanka.

Mustaqbal

MM News

Recent Posts

Waa maxay ujeedka Wafdiga Saraakiisha Soomaaliya iyo Turkiga ee gaarey Baydhabo?

Saraakiil sare oo ka tirsan Militeriga Soomaaliya iyo Turkiga ayaa gaarey magaalada Baydhabo ee caasimadda…

1 hour ago

RW Xamsa Cabdi Barre oo gaaray Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…

6 hours ago

Ciidamada DFS & ‘AS’ oo ku dagaalamaya Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…

7 hours ago

Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay

Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…

9 hours ago

Maxaa baddelay go’aankii Trump uu ku shaaciyay in uu duullaan ku qaadayo Iiraan?

Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…

10 hours ago

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo maanta ku wajahan Magaalada Magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…

10 hours ago