Kooxda Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay dooneyso inay u dhaqaaqdo ciyaaryahanka khadka dhexe ee Tianjin Quanjian Axel Witsel.
Kooxda Premier League ka dhisan ayaa lagu soo waramayaa inay ahmiyad weyn u leedahay qabiirka qadka dhexe ka hor dhamaadka xagaaga, laakiin waxay u muuqataa inay fursad u tahay inay lasoo saxiixato Witsel.
Sida laga soo xigtay Bild, Tianjin ayaa soo bandhigtay Witsel inu dalab kahelay kooxo ka dhisan Yurub, iyadoo ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Belgium uu sheegay in qandaraaskiisa lagu burburin karo 17 milyan oo ginni.
Borussia Dortmund ayaa lala xiriirinayay 29 jirkaan horaantii Isbuucaan, lakiin waxaa la soo jeediyay in kooxda reer Jarmalka ay ka hor imaaneyso ciyaaryahanada.
Witsel ayaa u ciyaaray Belgium intii uu socday Koobka Adduunka, laakiin ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa 18kii bilood ee ugu danbeysay ee xirfadiisa kubada cagta ku soo qaatay horyaalka China Super League.
Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa xaqiijiyay in…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…
Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…
Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…