GUDAHA/wararka

Madaxweyne Xasan Shiikh oo u safray dalka Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ugu ambabaxay dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga, kadib casuumaad uu ka helay dhiggiisa Madaxwaynaha Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogaan.

Madaxwaynaha ayaa la kulmi doona dhiggiisa Turkiga, iyaga oo ka wada hadli doona sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan iskaashiga dhanka militariga, amniga, xoojinta dagaalka AS.

“Booqashadani ayaa muhiim u ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga Soomaaliya iyo Türkiye ee lagu ciribtirayo argagixisada, iyadoo dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay dagaalka adag ee lagula jirto Khawaarijta si loo xaqiijiyo xasilloonida, nabadda, iyo dib u dhiska dalka” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Madaxtooyadda Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa maalmihii la soo dhaafay waday dardar galinta dagaalka ka dhan ah AS ee ka socda dalka, isaga oo tagey deegaanno badan oo ka tirsan Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Soomaaliya iyo Turkiga leh xiriir taabanaya dhinacyada amniga, militariga, ganacsiga, dhaqaalaha buluugga, tamarta iyo waxbarashada.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

1 hour ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

4 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

4 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

5 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

5 hours ago

Guddoomiyaha KMG oo magacowday Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ahna Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha,…

20 hours ago