Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Koonfurta Suudaan, Riek Machar, ayaa la dhigay xabsi guri, kaddib markii kolonyo hubeysan oo ay horkacayeen saraakiisha ugu sareysa ammaanka ay hub ka dhigis ku sameeyeen ilaaladiisa, sida ay xaqiijiyeen kooxdiisa mucaaradka SPLM/IO.
Sida laga soo xigtay xisbiga Machar, tallaabadan waxay la xiriirtaa khilaaf muddo dheer soo jiitamayay oo kala dhaxeeya madaxweynaha dalkaas, Salva Kiir.
Guddoomiyaha guddiga xiriirka dibadda ee xisbiga SPLM/IO, Reath Muoch Tang, ayaa sheegay in markii hore saraakiisha ammaanka ay isku dayeen in Machar la kaxeeyo, balse ugu dambeyn ay xabsiga guri dhigeen.
Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in Koonfurta Sudan ay qarka u saaran tahay inuu dib ugu laabto dagaal sokeeye ka dib markii ay sii korortay xiisadda u dhaxeysa Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.
Labada hogaamiye ayaa ku heshiiyay bishii Agoosto 2018 in la soo afjaro dagaal sokeeye oo socday muddo shan sano ah kaasoo ay ku dhinteen ku dhawaad 400,000 oo qof.
Mustaqbal
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…
Ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ahna Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha,…
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhowaaqay inuu dib u dhigay weerar ay ciidamada dalkaasi…