GUDAHA/wararka

Madaxweyne Geelle oo Shacabka Jabuuti ugu hanjabay in haddii aysan qaadan fariimaha Caafimaadka uu gelin doono Bandow habeen iyo Maalin ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa fariin uu u diray shacabka dalkiisa kula wadaagay xaaladda isa soo tareysa ee Cudurka Coronavirus iyo dhaqangelin la’aanta tallaabooyinka caafimaad ee loo jeedinayo.

Geelle ayaa sheegay in muddo bil ah kiisaska fayruska Corona uu ku gaaray 846 iyo Dhimashada labo ruux, iyada oo si maalinle ah natiijada baarista caafimaad ay usoo saarto Wasaaradda Caafimadda Jabuuti.

“Dadku waa in ay ku ekeedaan Guryahooda, waa halis aan indhaha laga qabsan Karin kiisaska sii kordhaya, walaalayaal waa in aad kamid noqotaan xalka soo afjaridda cudurka ee ma ahan in aad sii kordhisaan oo xaaladda murjisaan, haddii la joojin waayo isu imaatinka waxa aan soo rogi doonaa Bandow habeen iyo maalin ah” ayuu yiri Madaxweynaha Jabuuti.

Dadka intooda badan waxa uu sheegay in aysan ku baraarugsaneen haliska oo khatar sidaas uweyn uma arkaan, Dowladdu waxa ay la tacaaleysaa kahor tagga kiisaska sii kordhaya ee Coronavirus.

“Waxa cudurka faafinaya ee sii gudbinaya waa dadka, haddii la yareysto oo uu cudurka sii socda waa in aynu qaadnaa tallaabooyinka ku habboon, waana joojinta dhaq-dhaqaaqyada iyo isu socodka dadka si halista fayruska looga baajiyo dadka caafimaadkoodu wanaagsan yahay” waxaa sidaasi yiri Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Dowladda Jabuuti waxa ay ku jirtaa kaalinta sagaalaad dalalka Afrika ee kiisaska cudurka Coronavirus laga helay, waxaana ka horeeya Masar, Koofur Afrika, Morooko, Aljeeriya, Kaamiruun, Gaana, Tuniisiya iyo Ivery Coast.

MM Editor

Recent Posts

MW Xasan Sheekh “Soomaaliya waxa ay u furan tahay in la Maalgashado”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…

5 hours ago

Turkiga oo Soomaaliya keenaya Maraakiib Kalluumaysi

Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…

5 hours ago

MW Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furaya Shirweynaha Badaha Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…

7 hours ago

Kooxo hubaysan oo ku dagaalamay mid kamid ah Xarumaha Shidaalka ee Liibiya

Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…

7 hours ago

RW Xamsa oo bogaadiyay isbaddelka uu sameeyay Maamulka Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…

8 hours ago

Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…

22 hours ago