Maxamed Maxamuud Maxamed oo kamid ah Jaaliyadda Soomaalida ee Turkiga oo la hadlay Mustaqbal waxa uu ka sheekeeyay dhibaatooyin lasoo darsay Soomaali ku xanniban Dalkaas, kadib markii ay saameysay joojinta duullimaadyada.
Waxa uu sheegay in dad ku dhaw 300-ruux oo isugu jira dad caafimaad u aaday Turkiga oo danahooda dhameystay, kuwo safar gaaban ku joogay iyo shaqsiyaad usii gudbi waayay dalalka Yurub oo ay u socdaan.
Dadka kale ee kasoo jeeda wadamada kala duwan waxa uu shaaciyay in ay u qaylo dirsadeen Dowladahooda, isla markaana ay jawaab dib loogu celinayo dalalkooda ay ka heleen sida uu hadalka u dhigay.
“Soomaalida halkaan ku xanniban waxaa heysta dhibaato dhaqaale, waxa ay doonayaan dib ugu laabashada dalkooda, mana awoodaan in ay safraan oo dalalka kala duwan ee Caalamka waxaa saaran xayiraad duullimaadyada ah oo ka dhalatay faafidda cudurka Coronavirus“ ayuu yiri Maxamed Maxamuud Maxamed oo kamid ah Jaaliyadda Soomaalida ee Turkiga.
Waa uu sii hadlay waxa uuna yiri “Dowladda haddii aysan awoodin in ay diyaarad u kireyso kuna soo qaado, waxa aan ka dalbaneynaa in ay la hadasho oo dhibkeena ay la wadaagto Dowladda Turkiga oo xiriir wanaagsan kala dhaxeeyo”.
Magaalada Qasa waxay saaka marti galisay aaska iyo janaasada in ka badan 100 ruux oo…
Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa xaqiijiyay in…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…
Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…
Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…