GUDAHA/wararka

Khilaaf ku saleysan is dhaafsiga badeecadaha iyo Khudaarta oo soo kala dhexgalay Puntland iyo Hir-Shabeelle.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ganacsatada deegaanada Maamulkiisa faray in aysan Raashinka ka iibin Ganacsatada Hiiraan inta lagu guda jiro xannibaadda ka dhalatay Covid-19.

“Waxa aan halkaan ugu soo jeedinayaa Ganacsatada reer Puntland, inaga oo eegeyna go’aamadii xannibaadda aan soo saarnay in la joojiyaa Badeecadaha loo iibgeeyo meelaha ka baxsan Puntland si aan qiimo koror u imaan” ayuu yiri Madaxwene Siciid Cabdullaahi Deni.

Hadalkaas ayaa saameyn ku yeeshay Ganacsatada labada dhinac oo is dhaafsaday Badeecadaha, Khudaarta, Xoolaha iyo waxyaabo kale oo si maalinle ah isaga kala gudbo Puntland iyo HIr-Shabeelle.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyle Cismaan oo Warbaahinta la hadlay waxa uu raalli gelin ka dalbaday Madaxweyne Siciid Cabdullaahi, maadaama 30-sano xiriir ganacsi oo wanaagsan uu ka dhaxeeyay Ganacsatada Bartamaha iyo Waqooyi Bari.

Nasiib darro ayuu ku tilmaamay in hadalka kasoo yeeray Madaxweyne Deni, isaga oo sheegay in shacabka is fahmay uu kala geynayo, maadaama arrintaan ay dhabar jab u tahay isu gudubka Ganacsigooda.

“Haddii uusan Deni Raalli gelin iyo ka laabasho ka sameyn hadalkiisa, waxa aynu qaadi doonaa tallaabo ka daran tan uu qaado, Puntland waxaa dadka Hiiraan uga yimaado Raashinka kasoo dega Dekeda Boosaaso, balse halkaan waxaa laga qaadaa Khudaarta, Caanaha, Xoolaha iyo badeecado kale” ayuu yiri Guddoomiye Jeyte.

Waa uu sii hadlay waxa uuna yiri “Ganacsatada waxa aan u ballanqaadeynaa in aan Canshuur dhaaf u sameyno badeecadaha ay ka keensadaan Puntland, taa badalkeed waxa aan kordhineynaa Canshuurta Xoolaha iyo Khudaarta laga qaado Gobolka Hiiraan”.

waxa uu soo jeediyay in la qaado tallaabooyin looga hortagayo arrintaan, maadaama dadka aysan kala maarmin, waxaana uu xusay in Madaxweyne Deni uu dusha saaran doono wixii caqabad ah ee ka dhashay go’aankiisa.

Ma jiro war kasoo baxay Ganacsatada labada dhinac, waxaana si maalinle ah Dowlad Goboleedyada Hir-Shabeelle iyo Puntland isaga kala gudba Gaadiid wada Badeecado, Xoolo, Khudaar iyo waxyaabo kale.

MM Editor

Recent Posts

MW Xasan Sheekh “Soomaaliya waxa ay u furan tahay in la Maalgashado”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…

4 hours ago

Turkiga oo Soomaaliya keenaya Maraakiib Kalluumaysi

Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…

4 hours ago

MW Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furaya Shirweynaha Badaha Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…

6 hours ago

Kooxo hubaysan oo ku dagaalamay mid kamid ah Xarumaha Shidaalka ee Liibiya

Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…

6 hours ago

RW Xamsa oo bogaadiyay isbaddelka uu sameeyay Maamulka Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…

7 hours ago

Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…

20 hours ago