Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose ku tagay Socdaal aan horay loo sii shaacin.
Farmaajo ayaa la kulmay Qaar kamid ah Dadka Magaalada oo isugu jiray Odayaal, Dhalinyaro iyo Haween, waxaana isla Marka uu kulan gaar ah kula qaatay Saraakiisha iyo Ciidamada Guutada 14-ka Oktoober.
Madaxweynaha Dowladda Federalka ayaa Shacabka Magaalada Marka ka dalbaday in Ciidamada Dowladda ay ka gacan siiyaan la dagaalanka Al-Shabaab.
Waxa uu dhalinyaradii uu la kulmay ka codsaday in ay ka qayb noqdaan Ol-olaha Dowladiisa ee ay ku dhawaaqday in lagula Dagaalamo Al-Shabaab.
Ujeedka safarka Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in ahaa dhiirrigelinta Guutada 14ka Oktoobar ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo lagu dhisay Guutadaan Baaqii Madaxweynaha Sanad kahor, kadib qaraxii Soobe.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale kulan uu la qaatay Odoyaasha Deegaanka kala hadlay Dadaalada Dib u heshiisiinta ah ee ay wado Dowladda Federaalka.
Waa safarkiisii ugu horreeyay ee uu Madaxweynaha Farmaajo ku tago Magaalada Marka ee Xarunta Shabeelaha Hoose oo ay Ciidamada Dowladda ka qabsadeen Al-Shabaab.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…
Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…
Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…
Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…