Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay in uu soo dhamaaday wajiga 1aad ee shirka dib u heshiinta Beelaha Galmudug.
Madaxweynaha oo shalay gelinkii dambe tagay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa uu ku dhawaaqay xiritaanka shirkii beelaha Galmudug ee dhuusamareeb iyo in loo gudbay wajiga 2aad ee dhismaha dowlad Goboleedka.
“Dib-u-heshiisiinta aan bilihii la soo dhaafay ku hawllanayn caawa ayaynu wada aragnaa mira-dhalkeeda. Geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta oo ina gaarsiinaya in aan u gudubno wajiga labaad ee soo xulista iyo dhisidda maamul sal adag leh oo Galmudug ay yeelato.” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.
Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa uu shahaado sharaf guddoonsiiyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Madaxa Xukuumadda Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo Guddoomiyaha Guddiga dib u heshiinta Beelaha Galmudug Baadiyoow.
Shirkan oo ku dhawaad toban cisho ka socday Magaalada Dhuusarameeb ayaa waxaa furay Ra’isalwasaaraha Soomaaliya waxaana soo xiray madaxweynaha Soomaaliya.
Waxaa halkaas isugu tagay 11 beelood oo dega Galmuug,waxaana ay lagu wadaa in ay soo dhistaan maamul Goboleed ay u dhanyihiin oo lagu magacaabo Galmudug.
Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…
Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…