Ururka Daacish ayaa baahiyay cod maqal ah oo ay sheegeen in uu yahay Hoggaamiyaha Kooxdaas Abuubakar Al-Baqdaadi kaas oo wax badan khudbaddiisa uga hadlay dagaalka ay kula jiraan Mareykanka.
Al-Baqdaadi ayaa sheegay in Ururkiisa Daacish uu sii xoogeysanayo islamarkaana Mareykanka ku jebinayaan fagaarayaasha Caalamka ee ay hadda isku hayaan.
Waxaa uu ku faanay in goobaha dagaallada sida Soomaaliya, Afghanistan, Pakistan, Ciraaq, Syria, Yemen, Galbeedka iyo Bartamaha Afrika, Bariga Aasiya iyo Waqooyiga Afrika lagu jebiyay Mareykanka.
Dhamaan Waddamadaas ayuu xusay in Mareykanka lagu jebiyay islamarkaana lagu quusiyay sida uu hadalka u dhigay Hoggaamiyaha Ururka Daacish.
Bishii August ee la soo dhaafay Kongareeska Mareykanka ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay in Kooxda Daacish ay ku xoogeysaneyo Bariga dhexe gaar ahaanna dalalka Ciraaq iyo Syria oo lagu jebiyay sanadkii 2017kii.
Mareykanka waxaa uu sheegay in Daacish ay awoodaan in ay weerarro xoog leh ka geystaan Dalalka Ciraaq iyo Syria islamarkaana dib isu abaabuleen.
Warbixinta Pentagonka Mareykanka ayaa ku qiyaastay Ciidanka Daacish ee Ciraaq iyo Syria 14,000 ilaa 18,000 oo Askari oo ay ku jiraan 3,000 oo Ajaanib ah.
Isha:wsj.com
Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…
Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…