Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdi la socda oo Caawa gaaray Jabuuti.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa caawa gaaray Dalka Jabuuti.

Labada Madaxweyne ayaa berri kulmaya si ay ugu wada hadlaan: Xiriirka Labada Dal, Amniga, Siyaasadda, Qorshaha sugidda AMISOM, Dhaqaalaha, Hormarinta iyo Arrimo kale.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed oo Warbaahinta kula hadlay Jabuuti ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu dhiggiisa Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu Berri kala hadlayo Howlaha Sugidda Ammaanka Dalka oo ay Hormuud u tahay Jabuuti.

Qasriga Madaxtooyada ayaa loo Galbiyay Wafdiga Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kasoo amba baxay Dalka Burundi.

Waxa ay labada Madaxweyne Caawa wada qaadanayaan kulamo hordhac ah, Taliyaha Xubnaha la socda ay la kulmayaan Mas’uuliyiin kale.

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen. Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) ayaa la filayaa in uu la kulmo Taliyaha Ciidamada Jabuuti.

La soco wixii kasoo kordha.

Mustaqbal media

Recent Posts

Waa maxay ujeedka Wafdiga Saraakiisha Soomaaliya iyo Turkiga ee gaarey Baydhabo?

Saraakiil sare oo ka tirsan Militeriga Soomaaliya iyo Turkiga ayaa gaarey magaalada Baydhabo ee caasimadda…

2 hours ago

RW Xamsa Cabdi Barre oo gaaray Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…

6 hours ago

Ciidamada DFS & ‘AS’ oo ku dagaalamaya Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…

8 hours ago

Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay

Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…

10 hours ago

Maxaa baddelay go’aankii Trump uu ku shaaciyay in uu duullaan ku qaadayo Iiraan?

Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…

10 hours ago

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo maanta ku wajahan Magaalada Magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…

10 hours ago